Booliis Kenyan ah oo qoryo & rasaas laga xaday xilli ay daawanayeen Barca-Man Utd (Hubka la qaatay?)

0

(Nani South) 17 Abriil 2019 – 3 qori iyo ilaa 60 khasnadood ayaa laga xaday xarun ay Booliiska Kenya ku leeyihiin Kamorwon oo ka tirsan Nandi South jeer ay askartu ku maqnaayeen daawashada ciyaar kubadda cagta ah, habeenkii xalaytoole.

Burcad aan la aqoonin ayaa xaruntaa galay markii ay saacadda maxalliga ihi ahayd 9:30pm, jeer aanu qofna fadhiyin miiska dadka lagu qaabilo kaddib markii ay aadeen daawashada rubuc-dhamaadka UEFA Champions League gaar ahaan kulankii Barcelona iyo Manchester United.

Yeelkeede, markii ay saqdii dhexe in yar kaddib soo noqdeen waxay ka war heleen in loo dhacay qolkii kaydka hubka, sida uu sheegay Laba Alifle Rodgers Masiwa, oo dacwad gaarsiiyay Saldhigga Booliiska Kobujoi Police Station 1-dii habeennimo.

Lambarrada 3-da qori ee maqan ayaa kala ah: G3 FMP 77095029, G3 FMP 7709443 iyo G3 A3 F91879 kuwaasoo ay midkoodba ku xiran tahay khasnad 20 qaad ah.

Nandi South AP oo ah taliyaha qaybtan ayaa sheegay in durba la bilaabay raacdada nimanka hubkan ka xaday booliiska dayacay.

Hadalsame Media