Golaha Shacabka oo maanta la ballansan Guddiga Doorashooyinka Qaranka

0

(Muqdisho) 17 Abriil 2019 – Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta oo  arbaca ah warbixin ka dhagaysan doona  guddiga  madax banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Guddigaas Xaliimo Ismaaciil Yarey ayaa hortagi doonta mudanayaasha Barlamaanka si warbixin ku saabsan arrimaha gudiga ay u siiso Golaha.

Sidoo kale mudanayaasha Golaha shacabka ayaa dhageysan doona isla maanta aqrinta kowaad sharciga wax ka bedelka  furdooyinka.

Mudanayaal ka tirsan Golaha shacabka  oo warbaahinta  la hadlay ayaa sheegay in labada ajande ay  muhiim u yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Si kasta Golaha shacabka waxa horyaala  meel marinta sharciyo dhawr ah oo loo baahan yahay in kalfadhigaan shanaad ay ku dhameeyaan sida uu hore u sheegay  Guddoomiye Mursal.

Hadalsame Media