Asluubaha kala duwan ee AQOONTA loo gudbiyo! (Talo ku socota Jaamacadaha Somalia)

0

(Hadalsame) 16 Abriil 2019 – Ilmuhu waxay jecel yihiin in ay guriga wax walba oo yaal taabtaan, dhedhemiyaan oo dhulka la dhacaan si ay u ogaadaan inuu jabayo iyo siduu u jabayo. Taasi waa habka ay wax ku bartaan.

Qofka weyni wixii ku cusub wuxuu ku qiyaasaa wax uu hore u yaqaaney laakiin ilmuhu wax hore ma aqoon, marka waa inay indhahooda iyo farahooda kaga caana maalaan.

Bulshooyinku wixii ku cusub way la kacaa-kufaan ilaa ay la qabsadaan oo abuuraan aqoon ay kula tacaalaan. Hadba nooca bulsho tahay ayey ugu kala aqoon badan yihiin sida loo maareeyo dhacdooyinka ku sooo noqnoqda degaankooda.

Beeraleyda, xoola dhaqatada, kalluumaysatada, ugaarsatada, ganacsatada, IWM, waxay abuuraan aqoon la xiriirta noloshooda oo aaney aqoon bulshooyinka kale.

Aqoonta waa la kaydiyaa. Qoraalka, iyo sheekooyinka oraahda lagu soo gudbiyo, sawirada iyo farshaxnka iyo suugaanta ayaa kayd u noqota aqoontii hore loo abuuray oo markii loo baahdo dib loogu noqdaa.

Aqoonta waa la hufaa. Dhaqangelinta aqoonta waxaa ka dhasha in aanay mararka qaarkood isku si u shaqayn, ama aanay xaalad walba xal ugu noqon. Taasina waxay keentaa in wax lagu daro ama wax laga saxo.

Aqoonta waa la gudbiyaa. Dhallinyaradu waxay la noolaadaan jiilkii ka horreeyey oo ka bartaan sida loo maareeyo nolosha degaanka. Waxbarashada habysan (iskuulada) ayaa iyaduna ah qaab aqoonta loo gudbiyo.

Waxaa jirta aqoon ay adag tahay in la gudbiyo oo xataa qofka yaqaan aanu aqoon si uu u gudbiyo. Taas waxaa lagu gudbiyaa ku dayasho oo qofka aad muddo la nooshahay waxaad ka barataa sida uu u maareeyo dhibaatooyinka.

Tusaale, odayaasha xalliya is maandhaafayda bulshada, way ku adag tahay inay qodobeeyaan sida dhibaatooyinka loo xalliyo waayo dhibaatooyinu isku nooc maaha.

Jaamacaduhu waxay qaabeeyaan aqoonta bulshada ay ku dhex yaallaan si loo ilaaliyo loogana faa’iidaysto ama loo sahlo gudbinta aqoontaas.

Jaamacadaha Soomaaliyeed inay baaraan aqoontii ummaddeenu abuurtay boqolaalkii sano ee la soo dhaafay, oo qoraallo ku uruuriso, ka samayso aragtiyo lagu xalliyo dhibaatooyinka maanta jira una diyaariso ardayda siday u sii wadi lahaayeen aqoontaas una kobcin lahaayeen waa xil noo wada yaal.

Ku celin…

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media