Wax kasta oo aad uga baahan tahay qorshaha dib loogu howl gelinayo Somali Airlines + Sawirro (Dayuuradaha, duuliyeyaasha, shaqaalaha iyo qaar kale)

0

(Istanbul) 16 Abriil 2019 – Waxaa shalay xarunta ugu wayn ee ay Turkish Airlines ku leedahay magaalada Magalada Istanbul ka dhacay kulan looga hadlayey diyaarinta Shaqaalaha qaran-sidaha Somali Airlines.

Sida uu Hadalsame u sheegay weriye Salmaan Jamaal oo kulankaasi goobjoog u ahaa, dalalka Turkiga, Pakistan iyo Malaysia ayaa DF Soomaaliya ka kaalinaya dhanka diyaarinta duuliyayaasha iyo shaqalaha diyaarada SA oo lagu wado inay mar aan dheerayn dib u howl gasho.

MAXAA LA ISKU AF GARTAY ILAA HAATAN?

Yoolka la higsanayaa waa in ay Somali Airlines bilowga ku shaqo bilowdo ilaa 3 dayuuradood oo kuwa rakaabka ah, gaar ahaan nooca Maraykanku sameeyo ee Boeing, waloow aan naloo sheegin nooca ay kasii tahay.

Sida aannu xogta ku hayno, waxaa dayuuradahan Somalia u iibinaya dalka Qadar, halka dalalka Turkiga, Pakistan iyo Malaysiya ay ka caawinayaan dhinaca tababarka soortooyinka iyo shaqaalaha farsama-yaqaannada ah ee cillad bixin kara dayuuradaha.

Tillaabooyinka ugu horreeya waxaa ka mid ah in lasoo xulo ilaa 12 shaqaale ah (crew) oo ah soortooyinka dayuuradaha ka shaqeeya, kuwaas oo qaadan doona koorso deg deg ah oo ugu yaraan 2 bilood socon doonta, kaddibna si ay shaqada ficil ahaan ugu bartaan muddo la shaqayn doona dayuurado ay ka mid tahay Turkish Airlines.

Waxaa sidoo kale la diyaarin doonaa duuliyeyaasha wadi doona dayuuradaha Somalia Airlines, kuwaas oo kala ah laba qaybood;

Qaar weli shaqayn kara oo ka mid duuliyeyaashii hore oo la siin doono tababarro cusboonaysiin ah maadaama ay 30 sano wax badani is bedeleen farsamo ahaan kuwaasoo qaadan doona tababarro bilooyin ah iyadoo Kabtan Caydaruus durba tijaabo looga qaaday simulator-rada ay Turkigu isticmaalaan iyo kuwo cusub oo ugu yaraan 2 sano la diyaarinayo, kaddibna caawiye duuliye ku bilaabaya.

Waxaa mudadaas sidoo kale la dhisayaa hangar wayn oo cusub oo laga dhinac dhisayo Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde, kaasoo loogu tala galay in lagu cillad bixiyo dayuuradaha.

Waxaa qorshaha ka mid ah in garoon cusub oo midka hadda ka wayn laga dhiso duleedka Muqdisho, kaasoo uu Sucuudigu mabda’iyan ballan qaaday inuu kharashkiisa bixinayo, balse aan weli si kama dambayn ah la iskugu raacin halka laga dhisayo.

Waxaa Kulankan Somalia ku metelayay Kabtan Ceydaruus Axmed Kaahiye oo ka socda Wasaaradda Duulista Hwada ee Somalia, ahna Maareeye Xigeenka Garoonka Aadan Cadde.

Waxaa sidoo kale wehlinaya Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Turkiga, Md Jaamac Caydiid iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi, Sheekh Maxamed.

Dayuuradda Somalia Airlines oo adeeg kooban ka samayn jirtey dalalka ay Somalia xiriirka la lahayd, marka la eego heerka caalami, ayaan shaqaynin muddo 30 sano ku dhow.

Hadalsame Media