”DF si cadaalad ah wax uma maamulin!” – HirShabeelle oo qaadacay shir ay qabatay DF (War Saxaafadeed)

0

(Jowhar) 16 Abriil 2019 – Maamulka HirShabaalle ayaa si cad u qaadacay shir lagu qabtay magaalada Muqdisho kaasoo ay agaasintey DF Somalia oo uu eedayn kulul u jeediyay.

Madaxwayna Maamulkaasi Md Maxamed Cabdi Waare ayaa shirkaasi oo loo qabtay maamul-goboleedyada, kuna saabsanaa mashaariicda xaaladaha deg degta ah ku tilmaamay mid u dhisaalan si ”khalad ah oo cadaalad darro ah”.

Shirkaa oo ay qaban qaabisay Wasaaradda Gargaarka DF Somalia ayuu maamulka HirShabeelle ku sheegay mid lagu takoorayo dad gaar ah, sida uu u dhigay war saxaafadeed kasoo baxay.

Maamulka HirShabeelle oo sheegay in aanu aqbalin go’aamada kasoo baxay kulankaasi ayaa DF Somalia ugu baaqay in aysan u kala eexan umadda Soomaaliyeed, sida ay warka u yiraahdeen.

Hadalsame Media