Wax ka baro taariikhda magaalada barakaysan ee QUDUS

0

(Hadalsame) 14 Abriil 2019 – Qudus, Jerusalem, Yabuus, Kaaptooliya, Sahyuun, iiliyaa iyo Baytul-Maqdas waa Magacyo kala duwan oo wada tilmaamayo halkaan Magaalo, waxaana kusoo magacaabay Ummadihii kala duwanaa ee soo maray.

Qudus oo Micnaheedu yahay Magaalo Barakeysay waxaa Magaceeda lagu xusay Kutubka Toowtaarka 680-Jeer.

Markii ugu horreysay Taariikhda, 2500 oo Sano Miilaadiyada kahor Magaalada Qudus waxaa degay Reer Kancaan oo ah Qabiilo Carbeed.

Miilaadiyada kahor 1600 oo Sano, Qudus waxa ka talinayay Masaarida uu Fircoon hoggaaminayay, waxana talada uga dambeeyay Yuhuudda oo Qudus ka talineysay 73-Sanadood.

Miilaadiyada 977-Sano kahor, waxaa Magaalada Gacanta ku dhigay Nabi Daa’uud Caleyhi-Salaam oo ka talinayay 40-Sano, waxana uga dambeyay Wiilkiisii Suleymaan ahaa Caleyhi-Salaam oo isaguna gacanta ku hayay 33-Sano.

Nabi Suleymaan kadib Qudus waxa kasoo taliyay Boqortooyoyinkii Baabilyoon, Beershiya, iyo Roomaaniya, waxayna ku jirtay Gacanta Roomaanka ilaa Islaamku kala wareegay.

Sanadkii 621-dii Miilaadiyada Qudus waxay Marti-Gelisay Booqashadii Nabi Muxamed Sallallaahi Calayhi Wasallam oo laga dheelmiyay Kacbada Barakeysan loona dheelmiyay Masjidul-Aqsaa.

Magaalada Barakaysan ee Qudus ama ( Jerusalem ), waxa ay Markii labaad Gacanta Islamka Soo Gashay Sannadkii “637 ” Wakhtigas oo uu Talada hayay khalifkii Labaad ee Islaamka (Cumar Ibn-Al’Khatab RC ) 20,000 oo Ciidan ah oo ay Hogaminayaan
Abu-Cubeida iyo Khalid Ibn-Walid aya mudo 6 Bilood ah Magalada Go’doomiyay
kadib way U Adkaysan wayday Magaaladu Go’doonka iyado Marki Dambena isu dhiibtay Ciidamada.

Balse Shacabkii Magaaladu Waxay Shardi ka dhigeen in Cumar uu yimaado, isagana ayeyna Furayasha Magalada Ku wareejiyan.
Kadib Abu-Cubeida aya Waraaq u Qoray Cumar isago u sheegay in Loo baahnyay In uu MagaLada Furto Kadib Cumar aya Yimid sidaasaanu Islamku Ku Furtay Magalada ( Qudus ).

Sannadkii( 1099 ) ayay Magaladu Gacanta u Gashay Weeraradii ay soo Qaadeen Ciidanka( Crusades ) ee kaniisada ( Latin ) Kuwaasoo Faafinayay Diinta Kiristanka, iyagoo Magalada kala Wareegay Boqortoyadi Islamka ee ka talin jirtay ee lagu Magacabi jiray ( Seljuk Empire ) 70,000 oo Dadkii Shacabka ahaa ee Magalada ayaa lagu Xasuuqay iyado Wixi soo harayna laga Cayriyay magaalada .

Sannadkii( 1,187 ), ayuu Hogamiyihii Dawladdii ( Ayyubid sultan ) ee lagu magacaabi Jiray( Salah-Addin Al-Ayoubi) Dib u furtay Magalada, 88 Sano oo ay Kiristanka Gacanta ugu Jirtay, Kadib Dagaal Culus oo dhex maray Labada garab Dagaalkii ( Hattin )
Salah-Addin aya Kala Jabiyay Calaammadda Isku-Talaabta ee astaanta u ahayd Kiristanka, Dibna Magalada ugu soo Celiyay Muslimintii dagganayd.

40 sano kadib Markii uu Salah-Addin Geeriyooday ayay Sanadki ( 1,233 ) Magaladu Dib gacanta ugu Gashay Boqortooyadi ( ROMA ).

Muddo11 Sano ah kadib ayuu ( Najmu-Din Salah-AYub ), Dib furtay Magalada Sannadkii ( 1,244 ) isla Sannadkii ( 1,244 ) ayay Haddana magaladu Gacanta u Gashay Ciidamadii Tataarka ee boqortooyada ( Mongolia ).

Muddo 15 Sano ah ayay Magaladu Gacanta ugu jirtay ciidamada(Tataarka) sannadkii ( 1,260 ) ayay magalada Dib u furteen ( Sayf-Din Qutuz iyo Dahir Baibars ) kadib dagaalki Caanka ahaa ee ( Ain-Jalut ) kaso ay kaga guulaysten Ciidamadi ( Tataarka )ee mongolia.

Muddo 257 Sano ah ayay Magaladu Gacanta ugu jirtay Dawladdii Islamaka ee Mamalik, kadib waxaa la wareegay magalada Boqortooyadii “Cusmaaniyiinta”. Sannadkii 1517 Kadib Dagaalkii ( Marj-Dabiq ) ee ay Dawladdii Cusmaniynitu kaga guulaysteen Dawladdii Mamalik.

400 oo Sano ayay Magaladu Gacanta ugu jirtay Dawladdii Cusmaniyinta kadib sannadkii 1917, waxa amagaalada la wareegay Gumaystihii ingiriiska Muddo 31 Sano ah ayu Ingiriisku Haystay Magaalada, kadib Sannadkii 1948 ayuu ingiriisku Iskaga Baxay. Sannadkii 1948, ayay Isra’il qabsatay Daanta Galbeed ee magalada, Halka Daanta Bari ay gacanta ugu jirtay dawladda Jordan.

19 Sano kadib, Sannadkii 1967, ayay Isra’il La wareegtay Daanta Bari oo ay Wada qabsatay Magalada Qudus, iIlaa Maantana ay Gacanta ugu Jirta.

Xigasho: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media