‘’Askarigii dhibaato u gaysta qof shacab ah wax GABAAD ah ma heli doono‘’ – Saraakiisha ugu sarreeysa amaanka oo Baarlamanka hor taagan

0

(Muqdisho) 14 Abriil 2019 – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda ay ku raad joogaan askartii dilalka u gaysatay rayid ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay dhacdadii shalay ee lagu waxyeeleyay wadayaal Bajaaj ayuu sheegay Taliyaha in ay socdaan baaritaan ku aadan sidii dilalkaas ay u dhaceen.

Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa intaa warkiisa ku daray in uu xiran yahay Taliyaha aaga dilalka ay ka dhaceen isla markaana uu ku socdo baaritaan.

Waxa uu yiri Taliyuhu: ”Shacabku waa inay Ciidanka Booliska ku soo wargaliyaan shakhsiyaadka dillalka ka gaysta Muqdisho ee baxsada si tallaabo sharciga waafaaqsan looga qaado.’’

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu danbeyn sheegay in gacanta ay ku hayaan shakhsiyaad uu sheegay inay qas ka wadeen waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wasiirrada, Amniga, Difaaca Iyo Taliyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Barlamaanka hortagaya kulan saxaafaddu dibad joog ka tahay ayaa maanta oo Axad ah.

Mudanayaasha Barlamaanka oo shalay dood ka yeeshay amniga ayaa maanta su’aallo amaanka la xiriira waxa ay waydiin doonaan Wasiirka difaaca Xasan Cali Maxamed, Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, Taliyaha ciidanka Booliska General Bashiir Americo, Taliyaha Ciidanka Difaaca Daahir Aadan Cilmi iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng: Yariisow.

Xubnahan ayaa la waydiin doonaa sidoo kale caqabadaha hortagaan in laga adkaato Al–Shabaab, isku dhacyada ciidanka iyo amaanka caasimada sida ay xaqiijiyeen mudanaasha Barlamaanka oo warbaahinta gudaha la hadlay.

Dadka Caasimada ayaa dhawraya waxa ka soo bixi doona kulanka su’aalaha lagu waydiinayo laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka.

Hadalsame Media, Muqdisho