Haaddi & Shada waxay wadaageen qisho JACAYL ah oo ku dhisan dulqaad, wax hurid iyo daacadnimo (Fadlan akhri)

0

(Dul-Karam) 14 Abriil 2019 – Waa mid kamid ah muuqaalladii ugu xiisaha iyo xammaasadda badnaa ee aan abid daawaday. Waa goor barqo ah, maalinkuna waa Khamiis (April 4, 2019). Waxaan daawanayaa Al-Fajri TV oo tebin toos ah ka sameynaya soo dhoweynta oo nin Falastiini ah oo 16 sano ku xirnaa xabsiyada Yuhuudda.

Dad ehel iyo asxaab ah oo isugu soo baxay soo dhoweynta Cabdulhaadi ayaa uga hor tegaya iridka xabsiga. Dadkaas goobta yimid waxaa kamid ah hooyadiis.

Markay indhaha saarto way rumeysan weyneysaa in qofka horteeda taagan uu yahay wiilkeedii Haadi ahaa. Iyadoo farxad la ilmeyneysa ayay shumineysaa, waxayna sidii cunug yar gelineysaa baalkeeda.

Qofka ugu horreeya ee Haadi iridka xabsiga ku salaamayo waa Shada Cali, oo ah gabar uu doontay intaan la xirin. Markii xabsiga la dhigay ayay u dirtay farriin ay ugu cabbireyso jaceylka ay u qabto, ayna ugu sheegeyso in aysan nin aan isaga aheyn oori ama xaas u noqan doonin. Waxay sugeysay 16-kii sano ee uu xirnaa.

Salaan kadib, Shada waxay gacanta ku dhegeysaa Haadi. Inta dadku gacan ku salaamayaan, waxay ku dhegantahay gacanta kale. Isaguna mar kasta wuxuu Shada ka eegayaa dhiniciisa, wuxuuna ka qabsanayaa garabka. Salaan dheer kadib, ayay Haadi, Hooyadiis iyo Shada isla raacayaan gaari loogu diyaariyay afaafka hore ee xabsiga.

Saacado kaddib, ayay Shado si kadis ah waxay Haadi geyneysaa guri qurux badan, iyada oo gacanta ka heysa ayay kusoo wareejineysaa qolalkiisa. Waa guri ay taallo alaab aroos oo dhameystiran, oo bed ahaan ku fadhiya 200m² ah, oo ay Shado ku dhistay mushaarkeedii oo ay bil kasta keydineysay iyo biilkii maamulka Falastiin ee la siinayay ehellada maxaabiista.

Wariyaha ayaa Haadi wareysi uga qaadayo guriga, wuxuuna isagoo ka hadlayo dareenkiisa farxadeed uu leeyahay sidan:

Shada way ii sabartay, oo waxay isugtay iyadoo aan ogeyn in aan xurriyad dib u heli doono iyo in kale, waxayna dusha u ridatay masuuliyad culus. Shada waxay astaan u tahay jaceyl, sabar, iyo in aan nolosha laga rajo-dhigin; gurigaanina waa kan aan ku qaadan doonno inta nolosheenna ka dhimman; abaal, mahdin, iyo kalgaceyl aan duugoobeynin ayaana u hayaa gacalisadeyda, Shada Cali”

Isla maalinkaan ayaa Haadi iyo Shada oo xiran dharka hiddaha iyo dhaqanka ee Falastiiniyinta waxaa magaalada Dulkaram loogu dhigayaa xaflad aroos oo heer sare ah, waxayna aqal-geli doonaan bisha Juun ee soo socota Alle idankii.

Waa kaas miraha jaceylka dhabta ah ee aan ku billaaban xiisaha, nafta ayaa ku jecel, iyo biyaha ayaan kaa dhex arkay. Kalgaceylku ha waaro.

Xigasho: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media