SAWIRRO: VIP-da garoonka Jaamacadaha oo duntey (Dhimasho & dhaawac lasoo sheegay)

0

(Muqdisho) 14 Abriil 2019 – Dhisme ku yaala Garoonka Jaamacadaha ee magalaada Muqdisho ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhawaca laba kale sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah oo halkaas ku sugan.

Qeybta gaarka ah ee loo yaqaanno VIP-da ee ay fariistaan dadka madaxda ee Garoonka ayaa soo duntay waxana halkaas laga soo saaray meydka qofka ku dhintay.

Dadka waxyeelladu ay soo gaartay ayaa ahaa shaqaalle Garoonka ka shaqaynayay xiligaas, waxana dadka dhaawaca ah loola cararay isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Garoonkan ayaa ku yaalla degmada Hodan waxana ka socday howlo dib u dhis ah si loo hormariyo adeegga Garoonkan.

Dayactirka Garoonka Jaamacadaha ayaa qayb ka ah mashaariic FIFA ay ka fulinayso garoomo kubada cagta ah oo ku yaalla meelo ka mid ah dalka.

Yeelkeede, ma jiraan hay’ado karti ahaan koontoroola tayada dhismayoowga dalka laga hirgelinayo.

Hadalsame Media