DAAWO: Muxuu salka ku hayey dagaalkii xalay ciyaarta kaddib dhexmaray laacibiinta Milan-Lazio? + Sawirro

0

(Milano) 14 Abriil 2019 – Kaddib dhamaadkii ciyaartii xalay dhexmartay kooxaha AC Milan iyo Lazio ayaa waxa dhacay dagaal muddo gaaban socdey, iyadoo ay arrinta qaboojiyeen dad uu ka mid yahay macallinka Milan Gattuso.

HADDABA MAXAA LA ISKU MAAGAY?

La Gazzetta dello Sport ayaa qoraya inuu dagaalka San Siro qarxey, kaddib markii uu daafa dambeedka ah ee Lazio ee  Luiz Felipe oo u dhashay Brazil uu si xoog badan u riixay garab weerarka reer Spain ee Suso.

Laacibka lambarka 8-aad ayaa waxaa deeto usoo gurmadey saaxiibadii, gaar ahaan Franck Kessie, oo doonayay inuu kala celiyo, balse Felipe ayaa khalad u fahmey taasoo arrinta sii murjisey.

Waxaa dadkii nabadaynta ka qayb qaatay marka laga soo tago Gennaro Gattuso ka mid ah Francesco Acerbi oo horay Milan ugu soo ciyaaray, laakiin markii dambe dhibbane u noqday xifaalada Bakayoko iyo Kessie oo funaanaddiisa ku maadsadey.

Acerbi ayaa ciyaarta kahor sheegay in ”Lazio ay Milan ka fiican tahay” koox ahaan iyo shakhsi ahaanba, taasoo keentay in Bakayoko uu Instagram kusoo qoro ”waa yahay waxay noo tahay Sabtiga!”.

Ciyaartii xalay oo muhim u ahayd boosaska CL waxaa 1-0 gool ku laad ah ku badisay kooxda AC Milan.


Hadalsame Media