Duqaymo aan cidda gaysatey la aqoon oo laga gaystey Somaliland

0

(Hargaysa) 14 Abriil 2019 – Wararka Hadalsame uu ka helayo Somaliland ayaa sheegaya in Degmada Sallaxley ee Gobolka Maroodi-jeex duqeyn ay ka fuliyeen diyaarado dagaal.

Duqeyntan ayaa Degmadaas ka dhacday goor hore ee Jimcaha ah waxana hada la helayaa wararka ku saabsan duqeymahan.

Wariye ku sugan Magaalada Hargaysa oo aan la hadalnay ayaa sheegaya in ilaa iyo haatan la ogayn wax khasaare dhimasho ah oo duqeyntaas ka dhashay.

Guddoomiyaha Degmada la duqeeyay ee Sallaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen ayaa warbaahinta u xaqiijiyay jiritaanka duqeyntaasi.

Lama oga sababaha duqeynta , sidoo kale lama hayo dalka laga leeyahay diyaaradaha halkaas duqeymaha ka fuliyay.

Hadalsame Media