XOG: Shuruudo la sheegay in ay Booliisku hor dhigeen Amin Ambulance oo la isku mari waayay (Arag shuruudaha)

0

(Muqdisho) 13 Abriil 2019 – Saraakiisha booliska ee shaqada ka joojiyay Aamin Ambulance ayaa dalbaday saddex shuruud oo mid kaliya ay aqbaleen maamulka Aamin Ambulance ee Muqdisho.

Ilo wareedyo labada dhinacba ah (Dowladda iyo Aamin Ambulance) ayaa ii xaqiijiyay in boolisku dalbadeen saddexdan arrimood:

1- In ka hor inta shaqaalaha iyo gaadiidka Aamin Ambulance aysan gaarin goobaha ay wax ka dhacaan ee Muqdisho ay wargeliyaan booliska.

Shuruuddan way aqbaleen maamulka Aamin Ambulance.

2- In la caddeeyo cidda taageerta dhaqaale ahaan Aamin Ambulance (tirada dhaqaalaha soo gala iyo halka uu ka soo galo).

3- Iyo in tirada khasaare ee dhimasho iyo dhaawac ee ay qaadaan gaadiidka Aamin Ambulance aysan shaacin illaa hay’adaha ammaanka ay jaangooyaan.

Labadan shuruud ee dambe Maamulka Aamin Ambulance way diideen. Waana taas sababta ka dambeysa in xayiraadda hawlgalka gaadiidka gurmadka ee Aamin Ambulance laga joojiyo.

Waxaa Qoray: Abdalle Ahmed Mumin