Maxaa keenay in Astaanta Qaranka TAARGO laga dhigo?!!

0

(Hadalsame) 13 Abriil 2019 – Astaanta dowladda Soomaaliya “The coat of arms of Somalia” waxaa la sharciyeeyay October 10, 1956. Waa laba Shabeel oo difaacaaya calanka dalka Soomaaliyeed.

Waxaan ognahay dowlad kastaa marka la ictiraafo in la siinaayo labo sheey oo muhiim ah A) Astaanta calanka. b) Furaha dalka lagu galo sida ama Area code 252.

Hadaba yaa mudan inuu Astaantaan qaato?

Cidda kaliya ee Astaantaa qaadan karta waa dowladda Soomaaliya gaar ahaan qaybta fulinta oo kaliya, taasoo aanay ku jirin Golaha sharci dejinta iyo Maxkamadda Sare. Waliba waxaa khasab ah inay yeeshaan labadaas qole astaamo ayaga u gaar ah.

Waa dambi iyo aqoon xumo inuu muwaadin Soomaaliyeed qaato Astaantaas, muwaadinku wuxuu qaadan karaa astaanta calanka oo kaliya.

Waxaa nasiib daro ah in taargada ay baabuurtu sidato lagu qoro astaantii dowladnimada, waxaad kaloo arkeeysaa dhallinyaro Astaantii dowladnimo funaanadaha ugu dhagsan tahay.

Waxaad arkeeysaa Xil-dhibaan Astaantii dowladnimo ay Business cards ugu dhagsan tahay, waa inuu xildhibaanku qaataa Astaanta Baarlamaanka sida aqalka Sare uu u leeyahay astaan.

Waxaan ognahay in hay’adaha Booliiska, Xoogga iyo Amaanka Qaranku ay leeyihiin astaamo iyaga u gaar ah, taas awgeed qof muwaadin ah ma qaadan karo astaanta hay’adahaas waa dambi hadduusan ka tirsanayn hay’adahaas.

Waxaan ku talinayaa in sharci laga soo saaro arrintaas, si loo dhowro nidaamka dowladnimo ee dalkeenna, dadkana la baraa waxa ay xaq u leeyihiin iyo waxa ka mamnuuc ah. Sidoo kale waa in astaanta dowlanimo laga fujiyaa gawaarida.

Waxaan oo kale waxay ceeb ku tahay dowladnimadda dalka Soomaaliya. Gaariga kaliya ee lagu dhejin karo Astaantaas waa gaariga Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media