DILKA BAJAAJLAHA: AAW oo 5 qodob soo jeediyay (Maamulka Gobolka oo sheegay in lagu raad joogo askarigii dilka gaystey)

0

(Muqdisho) 13 Abriil 2019 – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay wiil Bajaale ahaa iyo wiil uu sidey oo saaka lagu toogtey magaalada Muqdisho.

Warsame ayaa si arrintan oo soo laablaabatay wax lagaga qabto soo jeediyay ilaa 5 qodob oo uu u arko inay arrintan dhiig joojin u noqon karto waxaana ka mid ah:

1- In Gacanta lagu soo dhigo ragii wiilasha dilay, lana maxkamadeeyo.

2 – In xilka laga qaado Taliyaha Booliska Gobolka.
3 – In Taliyaha Booliska Federaalka awoodiisa loo soo celiyo.

4 – In maleeshiyaadkii Xasilinta loo bixiyey ee Nabadsugida laga soo ganay, Booliskana lagu soo dhextuuray, dhaqan celin iyo tababar Boolis loo furo.
5 – Si sharaf leh loo aaso ehelkoodana Magdhow la siiyo wiilasha la dilay.

Guddoonka Gobolka Banaadir ayaa arrintan horay u cambaareeyay isagoo sheegay in lagu raad joogo askarigii dilka gaystey, halka uu Bajaajlayda u jeediyay in sida uu yiri ay nidaamka ilaaliyaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dibed bax ay dhigayaan dad ka caraysan dilka Bajaajlayda oo muddo haatan soo socdey, isla markaana aan ilaa haatan wax muuqda laga qabanin.

Hadalsame Media