Nin kaligii lagu qaaday dayuurad rakaab ah oo ah nooca Boeing 737-800

0

(Bergamo) 13 Abriil 2019 – Markii uu Skirmantas Strimaitis jartay tikit hal jidle ah oo uu ku tegayo Woqooyiga Talyaaniga, marka ma filaynin inuu noqon doono rakaabka qura ee dayuuradda saaran.

Ninkan oo u dhashay Lithuania, kana soo duulayey magaalada Vilnius una socdey Bergamo oo uu ciyaar baraf u tegayay Maarso 16, ayaa yaab afka la taagey markii uu ogaadey inuu kaligii saaran yahay dayuurad ah nooca Boeing 737-800.

Dayuuraddan oo ah nooc qaadda 189 qofood ayaa waxaa saarnaa isaga, laba duuliye iyo 5 shaqaale ah, taasoo uu Strimaitis ku tilmaamay waaya aragnimo “naadir ah oo aan caadi ahayn.”

Ninkan oo sida uu CNN u sheegay markii hore jahawareersanaa una haystey inay dadkii soo wada daaheen ayaa sheegay in sidii caadiga ahayd loo akhriyay sharraxaaddii amaanka ee hordhaca ahayd ee duullimaadka.

Strimaitis oo sawirro iska qaaday isagoo dhoolla cadaynaya, ayaa sheegay in uu duuliyuhu ugu yeeray “Mudane Rakaab” markii ay dayuuraddu ka degeysey garoonka Orio al Serio International Airport ee magaalada Bergamo oo aan ka fogayn caasimadda Lombardia ee Milano.

Duullimaadkan oo qaatay qiyaastii 2 saacadood ayaa waxaa u sabab ah dayuuradda oo u kiraysnayd sharikadda safarrada agaasinta ee Novaturas oo Talyaaniga dad koox ah kasoo qaadi lahayd, waxayna diidanayn inay faaruq taag qadcan ah samayso, sidaa darteed waxay iibiyeen hal tikit oo uu ninkani nasiib u yeeshay.

Hadalsame Media