DAAWO: Donald Trump oo faafiyay muuqaal kicin ah oo halis gelin kara amaanka Ilhaan Cumar (Qayladhaan laga muujiyey)

0

(Washington, DC) 13 Abriil 2019 – MW Trump ayaa soo tweet gareeyay muuqaal lagu weerarayo Ilhaan Cumar (D-Minn.) gaar ahaan qaabkii ay uga hadashay weerarradii 9/11, taasoo ay hadaf siyaasadeed ka dhex raadinayaan Xisbiga Jamhuuriga ah.

Muuqaalka waxaa laga arkayaa khudbad ay Ilhaan ka jeedisey munaasabad ay agaasintey Jamciyadda u doodda xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta Maraykanka ee CAIR oo lagu jarjaray muuqaalka sarihii mataanaha ahaa ee New York oo gubanaya, iyadoo loo bedeley warkii ay halkaa ka tiri.

“MARNA MA ILLAAWI DOONNO!” ayuu Trump soo tweet gareeyay, isagoo muuqaalka ku qabtay.

Khamiistii, ayaa waxaa arrintan u gogol xaarey warqaadka muxaafidka ah ee New York Post oo boggiisa hore ku dhejiyay isla sarahaasi iyo Ilhaan oo dhoolla caddaynaysa.

Weriyaha Elizabeth Spiers ayaa wargayskaasi ku dhaliishay inuu ku tuntay anshaxa saxaafadda oo uu cunsuriyad iyo Islaam nacayb qayaxan lasoo istaagey.

”Wargays kasta oo kale oo waxan qora waxaa ka dhici lahaa daadad is casilaad ah.” ayay tiri Spiers oo sheegtay in faallooyinka noocan ihi ay halis ballaaran horseedi karaan.

Ilhaan Cumar oo ay iminka ka hor jeedaan gebi ahaanba dadka muxaafidka ah ee Maraykanka iyo xitaa qaar ka mid ah dadka liberaalka ah, ayaan wax gacan ah oo muuqata haba yaraatee ka helin Xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimoqraadiga, marka laga reebo dhowr qof oo u muujiyay taageero shakhsiyadeed sida gabadha iyaduna cusub ee New York ka socota Alexandria Ocasio-Cortez.

Ilhaan Cumar ayaa loo jeediyay inay taxadarto oo isu badato oo ay xiisaddan lafteedu hoos u dhigto, si aan dad iyada necebi uga faa’iidaysan.

In uu Madaxwaynihii dalka dhami soo tweet gareeyo muuqaal ku dhisan aragti dhagareed ayaa ah wax ku cusub saaxada siyaasadda Maraykanka, taasoo kicin karta xitaa weerarro nacayb ah oo ka dhan ah Ilhaan Cumar, taasoo u baahan in si aad ah looga digtoonaado, iyadoo maalin dhowayd NY lagu qabtay nin telefoonka ugu dhaartay.


Hadalsame Media