DAAWO: Qof noocee ah ayuu ahaa Khaalid oo ah wiilkii saaka askarigu khaarajiyay?

0

(Muqdisho) 13 Abriil 2019 – AUN Khaalid Axmed oo ahaa wiilkii Bajaajlaha ahaa ee uu saaka nin la sheegay inuu ka tirsanaa askarta Dowladdu uu Muqdisho ku toogtey isaga iyo wiil kale oo la socdey ayay sheekooyin dheeraad ihi kasoo baxayaan.

Khaalid ayaa marka laga soo tago Bajaajka uu ku xoogsan jirey ahaa wiil dadaal badan isagoo ahaa wiil jaamici ah oo sidoo kale danayn jirey barashada korontada.

Khaalid oo ku dhashay Muqdisho, degmada Wardhiigleey, isagoo dugsiga hoose ku qaatay isla Xamar, dugsiga dhexe Burco, Togdheer, halka uu dugsiga sare iyo jaamacadda ku dhamaystay magaalada Muqdisho.

Khaalid ayaa ka qayb qaadanayey qorshe dadka barakacayaasha ah lagu siinayay fursado ay ku heli karaan nalal tamar ahaan la cusboonaysiin karo, iyadoo la adeegsanayo tamarta qorraxda.

Khaalid oo ka mid ahaa dhallinyarada waxgalka ah ee umadda wax tari karta ayuu saaka askari ku toogtey xilli uu ku guda jirey shaqo maalmeedkiisa.

Guddoonka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in lasoo qaban doono askarigii dilka gaystey, iyadoo ay horay dhowr mar u dhacday inaan waxba laga qabanin askar sidaa u laysay dad rayid ah.

XigaXigasho: Astaan TV

Hadalsame Media, Muqdisho