”Muqdisho waxaa ka furan afar waddo oo qura!” – Xil. Fowsiyo Xaaji

0

(Muqdisho) 13 Abriil 2019 – Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Yuusuf oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka oo ka hadlaysay xarunta Golaha shacabka oo kulan ay ku leeyihiin xildhibaanada Barlamaanka ayaa sheegtay in waddooyinka magaalada Muqdisho ay ka taagan yihiin caqabado fara badan.

Xildhibaan Fowsiyo waxa ay tilmaantay in ay indhaheeda ay ku aragtay sida ay tiri Hooyo ku umulaysa waddooyinka markii la waayay meel loo marsiiyo xarun caafimaad.

”Muqdisho waxa keliya ka furan waa afar waddo” ayay ka hor sheegtay maanta kulanka Barlamaanka ee loo hadlayo arrimaha ammaanka Magaalada Muqdisho.

Intaas waxa ay raacsiisay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay la timaado qorshe kale oo ku aadan amaanka caasimada si la isku waafajiyo danaha Bulshada iyo Dowladda.

Si kastaba, xildhibaanada Barlamaanka qaarkood ayaa dhawanahaba dhaliilsanaa amaanka Magaalada Muqdisho halka kuwo kalena ay qabaan in Dowladdu ay qaaday talaabooyinka amaanka lagu sugayo.

Hadalsame Media, Muqdisho