Maraykanka oo caddeeyay inuu qorshe FOG ka damacsan yahay Somalia + Sawirro

0
Somali national army soldiers stand in formation during a logistics course graduation ceremony. Soldiers from Somali???s advanced infantry DANAB battalion spent 14 weeks training with the U.S. 10th Mountain division on the importance of logistical operation as well as the operation and maintenance of heavy equipment. (Photo by MC2 (SW/AW) Evan Parker. Released)

(Washington, DC) 13 Abriil 2019 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa saxiixay wareegto uu sanad ku darayo wax lagu sheegay xaalad deg deg ah ee ay ciidamada Maraykanku ka wadaan dalka Somalia, isagoo sheegay in “ay halkaa dalkiisa uga imanayso halis aan caadi ahayn.”

Yeelkeede, waloow sanad lagu dhawaaqay misna saraakiisha ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in howlgallada Maraykanka ee Somalia ay sanado badan qaadan karaan.

Saraakiisha oo sheegay in dadaallada Maraykanku ay mira dhalayaan ayaa sheegay in ay dhici karto in howlgalladani ay qaataan ilaa 2026-ka.

Muddo 2 sano ahba ciidamada gaarka ah ee US Navy SEAL oo kaashanaya Komaandooska Somalia ee Danab, oo ilaa iminka gaaraya 500 oo askari ayaa weerarro qorshaysan ku hayey kooxda Shabaab.

Maraykanka ayaa sheegay inay doonayaan in ay Danab gaarsiiyaan ilaa 3,000 oo askari oo iskood u fulin kara howlgallo ay Shabaab uga saaraan degmooyinka iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin dalka.

“Ujeedku waa inaan sanadkii diyaarinno ilaa 300 oo askari, ugu dambaynna waxaan doonaynaa 5 batalyan iyo guuto saldhigga joogta,” ayuu yiri Becky Farmer, oo ah afhayeenka Taliska Africa Command, oo la hadlay CNN.

“Waxay nala tahay inay qaadan doonto ilaa 7 sano in aan ciidamadan dhamaystirno,” ayuu raaciyay, isagoo sheegay inay kasoo hormari karto kana dib mari karto.

Pentagon ayaa sheegay inay Somalia ka joogaan 500 ilaa 600 oo askari, iyadoo Somalia ay tahay dalka qura ee Afrikaan ah ee ay Maraykanku si joogto ah duqaymo uga fuliyaan.

U.S. Army 101st Airborne Division soldiers deployed with U.S. Army Forces Africa stand with Somali National Army soldiers during a graduation ceremony May 24, 2017, in Mogadishu, Somalia. The logistics course focused on various aspects of moving personnel, equipment and supplies. (U.S. Air Force photo by Staff Sgt. Nicholas M. Byers)

Hadalsame Media