Ciidamo Kenyan ah oo ku raad jooga labadii dhakhtar ee Cuban-ka ahaa oo Somalia gudaha u galay

0

(Nairobi) 13 Abriil 2019 – Ciidamo ka tirsan Dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay gudaha u soo galeen Soomaaliya, iyagoo oo ka soo gudbay xuduuda labada dal.

Dad jooga degmooyinka Ceelwaaq iyo Beledxaawo, ayaa Hadalsame u sheegay in ciidankan lagu arkayo degmooyinkaas wixii ka danbeeyay markii Mandheera laga soo afduubtay dhaqaatiir u dhalatay Dalka Cuba.

Afhayeen u hadlay ciidanka Booliska Kenya, Charles Owino, ayaa goor hore oo shalay ah sheegay ina y tuhmayaan in dhaqaatiirtan ay qafaasheen Al Shabaab isla markaana ay xad ka gudbiyeen Charles waxa uu yiri:

”Dablaydu waxa ay toogteen sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska waxa ayna u baxsadeen Soomaliya, waxaana socda howgal lagu soo furanayo.

Al Shabaab ayaa marar badan dad ajaaniib ah waxa ay ka soo afduubteen magaalooyin ka mid ah dalka Kenya oo iyaduna shalay sheegtay inay arrintan la kaashanayso ciidamada amaanka Somalia.

Hadalsame Media, Muqdisho