Barlamaanka oo maanta ka doodaya AMNIGA oo ah ajende todobaadkii hore buuq ku dhamaaday

0

(Muqdisho) 13 Abriil 2019 – Xildhibannada Golaha Shacabka ayaa maanta oo Sabti ah kulan ka yeelanaya xaaladda amaan ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa xalay loo diray farriin uu Guddoonka ku wargalinayo kulanka maanta ee lagu lafa gurayo amaanka.

Waddooyinka qaar ee caasimada oo hore u xirnaa ayaa saaka la sii adkayay sabab la xiriira kulanka maanta Todobadaakii hore kulanka amaanka loo ballansanaa ayaa buuq ku dhamaaday kaddib markii la isku qabtay in saxaafada banaanka loo saaro taas oo markii dambe keentay in cod la geliyo.

Amaanka Muqdisho oo beryihii yaraa ee dambe si nisbi ah u soo hagaagayey, waloow ay weli jiraan dhacdooyin amaanka waxyeellaynaya, isla markaana ay jidad badani xiran yihiin.

Hadalsame Media, Muqdisho