KASHIFAAD: Israel oo Suuriya u bandhigtay dalab cajiib ah si ay ugu celiso Buuralayda Golan Heights

0

(Qaahira) 12 Abriil 2019 – Kali taliyihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa daboolka ka qaaday in uu jirey hindise Israeli ah oo ku aaddanaa inay dhulka Golan Heights u celiso Syria haddii ay biddaalka aqoonsi ka heleeyso dalkaasi, waxaa se dalabkaa ganafka ku dhuftay Madaxwaynihii dalkaasi Xaafid al-Assad sanaddii 1998-kii.

Madaxwaynihii hore ee Masar oo la hadlayay al-Hayat, ayaa sheegay in Asad uu diidey inuu Israel aqoonsado, isla markaana uu xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah la yeesho, taasoo ay ku jirtey inay safaarado is dhaafsadaan Yuhuudda.

“Waxaan la xiriirey Israel si aan u waydiiyo soo celinta Golan Heights, balse waxay dalbadeed inay Safaarad ka furtaan Dimishiq, iyaguna ay mid ku yeeshaan dhulka ay Carabta ka haysato si loo aqoonsado Israel” ayuu yiri.

Mubaarak ayaa intaa ku daray in aqoonsiga Donald Trump ee buuraleeyda Golan Heights oo uu ku sheegay gayi ay Israeli leedahay bishii hore “ay ahayd natiijada” diidmadiii Suuriya, isagoo u muuqda mid Suuriya ku eedaynaya in aanay xiriir la yeelanin Israel.

Hadalsame Media