DAAWO: Kenya oo sheegtay inay Somalia kaalmo waydiisatey!

0

(Mandheera) 12 Abriil 2019 – Kenya ayaa sheegtay inay hay’aadka amaanka Somalia la kaashanayso meelaynta laba dhakhtar oo Cuban ah oo maanta laga afduubtay magaalada Mandheera.

War kasoo baxay Taliska Booliiska Qaranka Kenya (NPS), waxay Kenya tillaabadaa u qaadaysaa maadaama ay kooxda afduubka gaysatey oo loo badinayo inay yihiin Al-Shabaab ay u tillaabeen dhanka Somalia.

“Ujeedkeennu waa badbaadada dhibbanayaasha,” ayuu yiri afhayeenka NPS, Charles Owino oo u warramay Capital FM News.

Yeelkeede, kaddib ku dhowaad dhowr iyo toban saacadood oo laga joogo xilligii uu shilkani dhacay weli wax wacaal ah lagama hayo halka ay ku sugan yihiin labada dhakhtar.

Laba sarkaal oo booliis ahaa oo ilaalinayay ayaa midkood la diley, iyadoo baaritaan lagu bilaabay darawalkii kexeeynayay gaariga ay la socdeen oo markaa kasoo qaaday degaankooda una wadey goobta shaqada.

Gaariga oo uu lahaa ismaamulka Mandera County Government ayaa lasoo helay, iyadoo ay dhakhaatiirtani ka mid ahaayeen ilaa 100 dhakhtar oo Cuban ahaa oo sanadkii tegey Kenya u yimid si ay dalkaa uga caawiyaan adeegyada caafimaadka, kaddib heshiis ay galeen labada dal.

Hadalsame Media