MAXAA ANIGA IGA URAY? Maraykanka oo Turkiga u diiddan wax uu u ogol yahay dalal kale oo NATO ka tirsan! (Daawo)

0

(Ankara) 12 Abriil 2019 – Sanado badan, 3 dal oo xubin ka ah Gaashaanbuurta NATO wax dhib ah kuma qabin adeegsiga gantaalaha dhul ka cirka ah ee Ruushka, balse markii uu Turkigu dalbaday gantaalaha S-400 waxaa Maraykanka uga yimid cadaadis iyo hanjabaad aan dhigan lahayn.

Maraykanka ayaa ku dooday in hannaanka S-400 uu halis gelinayo dayuuradaha NATO maxaa wacay “wuu is cabbayn karaa marka uu raadeerkiisu arko dayuuradaha F-35 iyo F-22.”

Yeelkeede, naadir ma aha in xubno NATO ka tirsani ay isticmaalaan hubka noocan ah ama kuwii kasii horreeyay. Dalalka Bulgaria, Giirigga iyo Slovakia – oo kulligood ka mid ah xulufada NATO – ayaa haysta S-300.

Giriiigga ayaa gantaalahaa dhigay qaybta uu ka haysto gasiiradda Qubrus, halka Bulgaria iyo Slovakia ay si joogto ah u isticmaalaan – kaasoo la sameeyay xilli uu figta sare marayey Dagaalkii Qaboobaa – iyagoo ka qayb galay dhowr howlgal oo dhoollatus ah oo ay NATO samaysay.

Haddaba, maxaa laga uriyey Turkey – oo NATO ku biiray 1952-kii – oo cadaadis ba’an loo saarayaa iyadoo aan 3-da dal ee kale lala hadlaynin? Waa su’aal jawaab moowduuci ah loo la’yahay.

Kaaga darane, NATO gaar ahaan Maraykanka oo gantaalaha difaaca cirka ee Patriots dhigay xadka Turkey iyo Syria ayaa iminka meesha ka qaaday, taasoo Turkiga baylah uga dhigaysa weerar dhanka cirka ah.

Khabiirka dhanka ciidamada Mikhail Khodarenok oo ah sarkaal howlgab ah oo horay uga tirsanaa Ciidamada Cirka Ruushka ayaa sheegay in NATO aysan doonayn Turkiga oo ku hubaysan gantaalaha S-400 oo ah hub tiira dheer, isla markaana u gigsan kara tashwiishka lagu furo raadeerradiisa oo meel fog ka arki kara bartilmaameedyada, sida uu u sheegay RT.

Patriot-ka NATO oo yaalla xadka Turkiga iyo Suuriya

Hadalsame Media