Madaxwaynihii Suudaan oo aan la sheegin halka lagu hayo! (Ciidamada oo awaamiir soo saaray)

0

(Kharduum) 11 Abriil 2019 – MW Suudaan Omar al-Bashir ayaa xabsiga la dhigay iyadoo lagu hayo “meel amaan ah”, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca dalkaasi oo umadda TV-ga kala hadlay, si uu ugu sheego in uu dhacay isbeddel ay ciidamadu hor kacayaan.

“Waxaan ka Wasiirka Gaashaandhigga ahaan ku dhawaaqayaa inaannu xilkii ka tuurnay taliskii oo aannu madixii ku xirney goob amaan ah,” ayuu goor dhowayd yiri Ahmed Awad Ibn Auf oo sheegay inay dhabbaha u xaarayaan in ay shacabka Suudaan sharaf ku noolaadaan.

Wuxuu Jeneraalku sheegay in lasoo rogi doono 3 bilood oo xaalad deg dega ah, xabad joojin dalkoo dhan ah iyo dastuurkii oo la xannibay.

Wuxuu kaloo sheegay in hawada Suudaan ay xiran tahay 24 saac oo soo socota, halka ay sidoo kale xiran yihiin xuduudaha dhuleed ee dalka, ilaa amar dambe.

Bashir, oo dalkaa ka talinayay tan iyo 1989-kii, ayaa iminka sidaa ku dhamaystay waayihiisii, isagoo holliyey inuu xoog ku xakameeyo dibed bax shacbawi ah oo halkaa ka soconayay muddo 4 bilood ah.

Hadalsame Media