DEG DEG: Julian Assange oo ugu dambayn gacanta lagu dhigay! (Maraykanka oo dalbaday)

0

(London) 11 Abriil 2019 – Qareenka qayla dhaamiyaha wayn ee Julian Assange ayaa xaqiijiyey in macmiilkiisa loo xirey codsi ka yimid dalka Maraykanka.

Twitter-ka rasmiga ah ee WikiLeaks ayaa isna tweet gareeyay in Assange la qabtay “iyadoo loo gudbinayo Maraykanka oo uu ka faafiyey xogo iyo siro xasaasi ah.”

Waxay ahayd 2010 markii uu Assange daabacay muuqaal sir ahaa oo uu leeyahay Millateriga Maraykanka, kaasoo muujinayay dayuurad  ah Apache ah (nooca ay Soomaalidu Kobrada u taqaanno) oo rasaas ku furaysa isla markaana dileeysa 12 qofood oo rayid ah oo ay ku jireen 2 ka tirsan shaqaalaha Reuters.

Waxaa muuqaalkaa WikiLeaks u gudbiyey askari ka tirsanaa Ciidamada Lugta Maraykanka, Chelsea Manning, kaasoo markii dambe la saaray Maxkamad Ciidan isagoo lagu xukumay 35 sano oo xabsi ah.

Qabashada Assange ayaa waxaa sida la fahamsan yahay soo dedejisey qoraal sir ah oo ay Wikileaks ka faafiyeen MW dalka Equador oo ah dalka leh Safaaradda magan gelisey ee magaalada London, iyadoo ka xayuubisey qiyamkii megen gelyo doonnimo, taasoo u loogtey Booliiska London oo bannaanka ku sugayay.


Hadalsame Media