Maraykanka oo dib u soo celiyey wax uu horay Somalia uga joojiyey!

0

(Muqdisho) 11 Abriil 2019 – Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay inay dib u soo celiyeen weerarradii al-Shabab ka dhanka ahaa ee ay ka fulinayeen Somalia kaddib hakad gaabnaa.

Maraykanka ayaa lagu eedeeyay in duqaymihiisa ay ku dhinteen dad rayid ah, taasoo ay markii hore inkireen, markii dambena qirteen.

Weerarkii ugu dambeeyay wuxuu Talaadadii ka dhacay magaalo yar oo u dhow degmada Jilib, gobolka Jubbada Dhexe oo dhacda Koonfur Galbeed Muqdisho, halkaasoo lagu diley sarkaal ka tirsanaa kooxda Shabaab iyadoo aan rayidka dhib kasoo gaarin sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM.

Weerarkani waa midkii ugu horreeyay tan iyo markii ay Amnesty International ay Maarso 18 soo saartay warbixin sheegaysa in weerarro ay Maraykanku gaysteen lagu diley 14 qof oo rayid ah halka lagu dhaawacay ugu yaraan 7 qof.

Weerarradaas oo 5 ahaa ayaa dhacay intii u dhexeeysay Abriil 2017 iyo Diseembar 2018, kuwaasoo uu gebigood Maraykanku dhanka cirka ka fuliyey.

Hadalsame Media