DAAWO: Muuqaalladii ugu horreeyay ee muujinaya Julian Assange oo la taxaabayo + Sawirro

0

(London) 11 Abriil 2019 – Qareenka qayla dhaamiyaha wayn ee Julian Assange ayaa xaqiijiyey in macmiilkiisa loo xirey codsi ka yimid dalka Maraykanka.

Twitter-ka rasmiga ah ee WikiLeaks ayaa isna tweet gareeyay in Assange la qabtay “iyadoo loo gudbinayo Maraykanka oo uu ka faafiyey xogo iyo siro xasaasi ah.”

Haddaba, waxaa soo baxay muuqaalladii ugu horreeyay ee Julian Assange oo loo dhigay Maxkamadda Westminster Magistrates Court kaddib markii laga soo qabtay Safaaradda Ecuador ee London.

Sawirrada ay ka qaadday saxaafaddii goobta kusoo xoomay ayaa muujinaya Assange oo uu garku ku baxay, balse u muuqda nin aysan ka qasnayn, wuxuuna suulka u taagey dadkii goobta kusoo baxay, jeer lagu sidey gaari daboolan oo uu leeyahay Booliiska UK.

 

Hadalsame Media