MAN UNITED VS BARCELONA: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Manchester) 10 Abriil 2019 – Caawa waxaa gegada Old Trafford ku ciyaaraya labada kooxood ee Man United vs Barcelona oo u ciyaaraya qiimaha kooxdee usoo bixi lahayd nus-dhamaadka CL.

Dhanka Man Utd: Manchester United ayaa waxaa ka maqnaan kara Ander Herrera xilli ay doonayaan inay xakameeyaan xidigga Lionel Messi, balse Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka raja qaba Marcus Rashford.

Nemanja Matic oo kayd aan la adeegsan ka ahaa guuldarradii Premier League ee Wolves ayaa caawa wajihi kara horyaallada La Liga.

Dhanka Barca: Arturo Vidal ayaa laga door bidid karaa Philippe Coutinho si matoorka khadka dhexe looga dhigo mid xakamayn kara qulqulka Man Utd.

Ousmane Dembele oo dhaawacnaa ayaa ugu yaraan lagu wadaa inuu kaydka soo fariisto kaddib markii ay nalka cagaaran u shideen dhakhaatiirka kooxdaasi.


SHAXDA LAGA YAABO

Man Utd XI: De Gea; Young, Smalling, Lindelof, Shaw; Matic, McTominay, Pogba; Lingard, Rashford, Martial

Barcelona XI: Ter Stegen; Sergi Roberto, Pique, Lenglet, Alba; Busquets, Rakitic, Arthur, Vidal; Messi, Suarez

Hadalsame Media