DF Somalia oo ka aamusan arrin asaasi u ah amaanka qoowmiga ah ee dalka & Hirshabeelle oo ka qaylisay!

0

(Jowhar) 10 Abriil 2019 – Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in biyo la’aanta ka jirta meelo ka mid ah Degaanada Maamulkaas ay sabab u tahay Eithopia oo xiratay Webiga taas oo keentay xaalad adag ay wajahaan beeralayda Sh/Dhexe.

Madaxwayne Maxamed Cabdi ayaa sheegay in Dowlada Dhexe wada hadalo rasmi ah oo wax ku ool ah ay la gasho Dowlada Ethiopia si loo maareeyo qaybsiga Biyaha webiga.

“Suurtagal ma ah in Bariis lagu beero dhulka Gobolka Shabeellaha dhexe, sababtoo ah biyo ku fulin lama hayo oo waxa saamayn ku leh biyo-xireenka webiga dhanka Eithopia’’ ayuu sheegay Madaxweynaha Hirshabelle Waare.

”Waxa si joogta ah u soo laab laabtay cabashada biyo la’aanta ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe sidaas darteeda waa in Dowladda ay qaadata go’aan adag oo Ethiopia ay ku ogaalanayso in si siman loogu wada faa’ideysto biyaha webiga.” ayuu soo jeediyay.

Arrimahan oo xeerka caalamiga ah gef ku ah ayaysan dowladihii kala dambeeyay ee Somalia wax tillaabo ah ka qaadin.

Hadalsame Media