AJAX VS JUVENTUS: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Amsterdam) 10 April 2019 – Waxaa caawa kulan adag ku ballansan labada naadi ee Ajax iyo Juventus oo ku ciyaaraya gegada Amsterdam Arena ee caasimadda Holland, lugta hore ee Rubuc-dhamaadka CL.

Dhanka Ajax: Ten Hag ayay tahay inuu bedelo dadabka midig: Veltman ayaa bedeli doona Mazraoui oo ganaax ku seegaya ciyaartan. Inta kale waa sidoodii.

Dhanka Juve: Ronaldo ayaa soo kabtay wuxuuna kasoo muuqanaya kulankan kulul ee caawa. Waxaa maqal Chiellini iyo Emre Can, kuwaas oo ay bedelayaan Rugani iyo Bentancur.

Weerarku waan Bernardeschi oo ay wehlinayaan jookarka CR7 iyo Mandzukic. Waxaa soo noqday balse kaydka kululaynaya Douglas Costa, waxaa sidoo kale kaydka fadhiya Dybala.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 28 VARELA, 2 KRISTENSEN, 16 MAGALLAN, 19 LABYAD, 9 HUNTELAAR, 25 DOLBERG, 30 DE WIT
  • 22 PERIN, 15 BARZAGLI, 2 DE SCIGLIO, 6 KHEDIRA, 10 DYBALA, 11 DOUGLAS COSTA, 18 KEAN

GANAAXAN

  • Mazraoui

AAN LA HELI KARIN

  • Bandé, Eiting
  • Cuadrado, Barzagli, Caceres, Chiellini, Emre Can

Hadalsame Media