HURID HABBOON: Nin kaligii gacmihiisa WADDO uga dhisay tuuladii uu degganaa!

0

(Kaganda) 09 Abriil 2019 – Nin gabow ah oo kasoo jeeda tuulada Kaganda oo ka tirsan Kiharu Constituency, ismaamulka Murang’a County ayaa kusoo baxay “geesiga tuuladaasi” kaddib markii uu kaligii jid uga dhisay meel yara taag ahayd.

Nicholas Muchemi ayaa go’aansaday inuu dhiso jidkan oo hal-kiilo mitir ah oo dadka xaafadda ku xiraya suuqa Kaganda kaddib markii uu nin sheeganaya inuu dhulka leeyahay uu xirtey jidkii ay horay u mari jireen, halka qaybtan uu iminka furayna ay ahayd meel aan la mari karin.

Dadka xaafadda ayaa deeto bilaabay inay kasoo wareegaan jid dheer oo isku warwareeg ah oo ilaa 4 km ah.

LACAG, WAQTI HURID

Mr Muchemi, oo shaqaale ah, ayaa deeto gunnadiisii, xooggiisii iyo waqtigiisiiba huray muddo 6 maalmood ah, si uu u dhiso jid dhow oo la mari karo.

Ninkan oo ku hubaysan Fargeeto, Badiin, Gerwayn, Masaar iyo jirikaan biyo ah oo uu maalintii cabo ama ku mayrto maadaama ay qorraxdu aad u kulushahay ayaa halkaa ka shaqaynayay maalin walba min 6-da subaxnimo ilaa 6-da fiidnimo.

Dadka xaafadda ayaa iminka adeegsada jidka uu dhisay Mr Muchemi oo safarkoodii soo gaabiyay ilaa 2 KM. Waa tusaalaha ugu wanaagsan ee waxa uu hal qofi bulshada u qaban karo.

Hadalsame Media