”Isku masawir oo madaxa hallagaa jaro!” – Isku sawirid toogasho lagu mutaysan karo!

0

(Phuket) 09 Abriil 2019 – Dalxiisayaasha taga dalka Thailand ayaa wajihi doonaa Xeerka cusub oo laga soo saaray dalkaasi, kaas oo dadka isku sawira dhabbaha dayuuradda ‘runway selfies’ kusoo rogi doona ganaaxyo iskugu jira lacag ilaa toogasho.

“Dadka iyo dalxiiska looma ogolaan doono inay qaybtan galaan si ay iskugu sawiraan,” ayuu yiri Agaasime Xigeenka Phuket International Airport, Wichit Kaeothaithiam oo la hadlayay Bangkok Post. “Ciqaabta ugu wayni waa dil toogasho ah.”

Waa xukun ay dad badani ka badbadis ku tilmaameen, yeelkeede, maamulka halkaasi ayaa ku doodaya in dadka goobahan isku sawira oo ay haween qaaqaawani ka buuxaan ay jeedin karaan duuliyeyaasha, taasoo dhalin karta shil ay dad badani ku halaagmaan.

Garoonkan oo ku yaalla magaalada loo dalxiis tago ee Phuket ayaa waxaa saacaddii kasoo dega ama ka duula 24 dayuuradood, 24/7, taasoo ka dhigan in ay 24-kii saacba 576 dayuuradood.

Hadalsame Media