Farmaajo ahaw ama Fiqi, Mahad ama Fahad, kulligiin faashiliin baad tihiin!

0

(Hadalsame) 09 Abriil 2019 – Haddii hore loo socon waayo, laba laba ayaa la isu qabsadaa. Waa la is nacalladaa. Faraha ayaa la isku fiiqaa.

Been ayuu midba midka kale ka sheegaa. Midba mid ayuu aflagaadeeyaa. Qofba qof ayuu eedda dusha ka saaraa. Kooxba koox ayey u dhaarataa.

Shacabka ayaa ka kala jiitaa oo la kooxo kooxeeyaa. Dhaqannada noocaan ah waa siyaabaha lagu garto qaran dumay, shacab lumay iyo dowlad fashilantay (dowlad waa muxaafad iyo mucaarad).

Qof walba oo Soomaali ah waa faashil! Is ogow ama ha is ogaan, faashil baad tahay! Oggolow ama ha oggolaan, faashil baad tahay!

Muxaafad ahaw ama mucaarad ahaw, faashil baad tahay! Dalka ku noolow ama dibadda, faashil baad tahay!

Farmaajo ahaw ama Fiqi ahaw, faashil baad tahay! Ama Fahad ahaw ama Mahad ahaw, faashil baad tahay! Ama Jaamac ahaw ama Jimcaale ahaw, faashil baad tahay!

Haddaanu Soomaali nahay faashiliin faan jecel ayaan nahay.

Waxaa Qoray: Siyaasiga Cali C Cosoble

FG: Qoraalkani waa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media