Haddii aad diiddan tahay in ay xukuumadda u bataan XIL-DHIBAANNADU su’aalahan ka jawaab?

0

(Hadalsame) 09 Abriil 2019 – Dad badan ayaa waxqabad la’aanta Baarlamaanka ku sababeeya in xubno badan oo Baarlamaanka ka mid ah Golaha Wasiirrada lagu daray, sidaas darteed uusan Baarlamaanku shaqadiisi qabsan karin oo xukuumadda la xisaabtami karin.

Taasi ma run baa? Si aan taasi uga jawaabno waxa aan is waydiinaynaa 3 su’aalood:

1) Shaqada Baarlamaanku ma in xukuumadda la la xisaabtamo un baa? Sidee se uu xukuumadda u la xisaabtamayaa?

2) Dalalka Baarlamaaniga ah sida annaga oo kale intooda badan xubnaha xukuumaddu waxa ay ka yimaadaan Baarlamaanka, sida dastuurka qabyada ah ku qoranna waxaa xukuumadda soo dhisaya xisbiga hela aqlabiyadda Golaha Shacabka oo macneheedu yahay in dhammaan wasiirradu noqonayaan xubno Baarlamaan.

Marka maxaa diidaya in xukuumaddaani wasiirrada Baarlamaanka ka soo xulato?

3) Haddii wasiirrada laga keeni lahaa bannaanka maxaa dhici lahaa? Baarlamaanku ma noqon lahaa mid waajibka loo doortay guta? Ma laga yaabaa in degganaan la’aan siyaasadeed oo baahsani dhici lahayd haddii xubnaha xukuumaddu aysan Baarlamaanka ku jiri lahayn?

Ma se laga yaabaa in sababta xukuumaddaani mooshin la’aan ugu soo moodday labadii sano ee la soo dhaafay ay tahay in ay Golaha Shacabka aqlabiyad ku leedahay maadaama wasiirro badan golaha ka mid yihiin? La xisaabtanka Baarlamanku se ma in dowladda jeebabkeeda la baarto haddii kale la rido baa mise waa in si saaxi ah loola xisaabtamo, marka ay saxan tahayna la xoojiyo?

La soco qayb kale….

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media