DAAWO: Carabta oo ku faantay Duuliye Asli Cabaade (Wax ka baro waayeheeda)

0

(Hadalsame) 08 Abriil 2019 – Warqaadka Carbeed ee Danan Carbeed (Echo Carabii) ayaa lagu soo qaatay moowduuc aad loogu amaanayo gabadha Soomaaliyeed ee duuliyaha ahayd ee Asli Xasan Cabaade.

Barnaamijka ayaa lagu sheegay in Asli Cabaade, oo sidoo kale lagu doodo inay ahayd tii ugu horreeysey Afrika, ay tahay gabadhii ugu horreeysey ee Carbeed ee dayuurad ciidan duulisa.

Barnaajika ayaa sheegay in Asli Cabaade ay ku dhalatay Degmada Buule Barde, Hiiraan, sanadku markii uu ahaa 1958-kii, iyadoo isla degmadaa ku qaadatay waxbarashadeeda hoose dhexe.

Waxayna deeto u guurtey magaalada Muqdisho, goortaasoo ay riyooyinkeeda bedeshey in gurigii ay deganayd uu mitirro uun u jirey Saldhiggii Ciidanka Cirka ee Afisyooni, Muqdisho.

Waxayna Asli markaa guddoonsatey inay noqoto Duuliye dayuuradeed, waxaana kaddib caqabado badan oo ay ka mid ahaayeen waalidkeed oo aan la dhicin aragtideeda ay ugu dambayn gashay Kulliyaddii Ciidamada Cirka ee Somalia iyo kuwo kale sida American Airlines Flight Acadamy.

Waxayna si rasmi ah uga mid noqotay duuliyeyaashii Ciidamada Cirka dalka sanadihii 70-meeyadii, waxayna duullimaadkii ugu horreeyey samaysay 9-dii Sebtembar, 1976-kii.

Ciidamadii Cirka Somalia oo ka mid ahaa kuwii ugu waaya aragsanaa Afrika ayaa ku burburay dagaal beeleedyada Soomaalida, oo sidoo kale la degey dalka Somalia guud ahaan.

Halkan hoose ka daawo…

 

Hadalsame Media