SAWIRRO: Talyaaniga oo gacan ka gaysanaya dib u dhiska Ciidamada dalka (Wasiirka Gaashaandhigga & wefdi ballaaran oo Muqdisho soo gaarey)

0

(Muqdisho) 08 Abriil 2019 – Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho, caasimadda dalka, soo gaarey wefdi ballaaran oo ka socda Dowladda Talyaaniga.

Waxaa wefdigan oo ay hoggaaminayso Wasiiradda Difaaca dalkaasi, Elisabetta Trenta ay durba kulamo la qaadanayaan dhiggooda DF Somalia.

Waxaa wefdigan ka mid ah Taliyaha Ciidamada Talyaaniga, Enzo Vecciarelli oo isna wada hadal la yeeshay dhiggiisa Daahir Indha-Qarshe.

Kulankan ayaa salka ku haya sidii ay Dowladda Talyaaniga oo ka mid ahayd dalalka sida joogtada ah u caawiya ciidamada qalabka sida ee Somalia ay door ballaaran uga qaadan karto tayaynta iyo qalabaynta Ciidamada Xoogga Dalka ee SNA.

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Xasan Cali Maxamed (Amad Dambe) oo kulanka wefdigan ka war bixiyey ayaa sheegay inay isku afgarteen arrimo badan oo ciidamada la xiriira oo ay isla soo qaadeen.

Waa markii ugu horreeysey kaddib sanado badan oo ay Muqdisho yimaadaan wefdi heer sare ah oo ka socda Talyaaniga oo ah dal xiriir soo jireen ah la leh Somalia.

MW Somalia Md Farmaajo, ayaa bishii Nofeembar ee sanadkii tegey booqday magaalada Roma, isagoo halkaa kula kulmay RW dalkaasi oo ay ku heshiiyeen inay labada dal iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta.

Hadalsame Media