SIR LA HELAY? ”Hindiya waxay qorshaynaysa in ay Pakistan weerarto!” – Wasiir Dibadeedka Pakistan + Sawirro (Goorma?)

0

(Islamabad) 08 Abriil 2019 – Hindiya ayay dhici kartaa inay weerar gaadmo ah ku qaaddo dalka Pakistan isla bartamaha bishan Abriil, sida uu sheegay Wasiir Dibadeedka dalkaasi, Shah Mahmood Qureshi.

Qureshi oo ku doodaya inay xogtan ka heleen “ilo sirdoon oo la isku hallayn karo” ayuu warkiisu daba socdaa isku dhac iyo xiisad dib uga dhex aloosantey labadan quwadood nukliyeed bishii Febraayo.

“Waxaan haynaa xogo lagu kalsoonaan karo oo tibaaxaya in Hindiya ay qorshaynayso weerar cusub oo ay ku qaaddo Pakistan. Marka la eego xogta aannu hayno wuxuu weerarkani dhici karaa inta u dhaxaysa Abriil 16 iyo 20,” ayuu ku dooday Qureshi.

Pakistan summons Indian diplomat in wake of ‘deplorable’ civilian deaths & injuries in border fireWasiirka oo hadlayay mar uu booqday magaalada uu kasoo jeedo ee Multan ayaa saxaafadda u sheegay inay walaacooda la wadaageen 5-ta dal ee codka rigliga ah ku leh Golaha Amaanka QM.

Wasiirka oo aan keenin cadaymo uu warkiisu ku xoojiyo ayaa sheegay inuu warkiisa fasax uga haysto RW Pakistan ee Imran Khan, oo badanaa ahaa cod si ahaan kasoo horjeeda colaad haatan dhexmarta labada dal oo loo arko mid ”ismaadin wadareed oo kale ah”.

Hadalsame Media