XOG: “Khalad baa dhacay!” – Jamciyadda Garsoorayaasha Talyaaniga oo u hoyanaysa kooxda AC Milan (Kulan la filayo)

0

(Milano) 07 Abriil 2019 – Waxaa lasoo sheegayaa in Jamciyadda Garsoorayaasha Talyaaniga ee loosoo gaabiyo AIA ay kulan la qaadan doonaan maamulka kooxda AC Milan, si ay u qirtaan in khaladaad dhacay ay u sabab yihiin guuldarradii Juventus.

Sida uu faafiyey, hilinka Sky Sport Italia, Madaxwaynaha AIA jaalle Marcello Nicchi iyo ninka garsoorayaasha saara ee Nicola Rizzoli ayaa kulan la qaadan doona macallinka AC Milan, Gennaro Gattuso, iyo Maareeyaha Guud ee dhanka Farsamada  Leonardo oo ay shir doceed ku yeelanayaan kulanka Lega Serie A.

Maamulka iyo taageerayaasha kooxda Rossoneri ayaa aad uga caroodey guuldarradii ciyaar ay u arkeen inuu garsooruhu jimeeyay oo natiijadeeda gacma gacmeeyay.

Alex Sandro ayaa gacanta ku taabtay kubbad dadab ahayd oo uu keenay Calhanoglu, balse garsoore Michael Fabbri ayaa tiiyoo uu dhaayihiisa ku arkay misna Milan rigoore uga dhaartay.

Qaybihii dhamaadka ciyaarta, Mario Mandzukic ayaa lagu qabtay isagoo haraati ku halgaadaya Alessio Romagnoli weliba gudaha diilinta ganaaxa.

Fabbri ayaan VAR eegin, waloow ay markiiba TV-yadu soo bandhigeen muuqaalkii oo waadax ah.

Milan ayaa kulamo dhowr ahba ka cabanaysey qisooyin iyada ka dhan ah, tusaale ahaan, fasal-ciyaareedkan oo dhan waxaa Milan loo dhigay 2 rigoore, halka 4-5 rigoore oo waadax ah loo diidey, iyadoo aan wax rigoore ah loo dhigin tan iyo 2-dii Diseembar, halka ay kooxaha qaar heleen toban iyo dhowr.

Hadalsame Media