DAAWO: Trump oo weeraray Ilhaan Cumar isla maalintii uu nin isaga taageeraa dil ugu hanjabey

0

(Las Vegas, NV) 07 Abriil 2019 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa weerar kale ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaannada ku cusub Koongarayska Maraykanka.

Mr Trump ayaa ku celceliyey in Ilhaan Cumar aysan Isarel jeclayn isagoo warkaa ku beer dulucsanayey kulan uu ugu khudbaynayay Isbahaysiga Yuhuudda ee Jamhuuriga taageera, dhacdo lagu qabtay magaalada Las Vegas, Nevada.

Isagoo si jees jees ah iskaga dhigaya inuu Ilhaan uga mahad celinayo ”taageeradeeda Israel”, ayuu yiri: “Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa Cumar oo ka socota Minnesota. Oh, Waa illaawey. Illeen Israel may jeclayn. Waa illaawey. Waa ka xumahay!.”

iPhone 11 (2019) Rumors: Release Date, Leaks, Specs and More

Warka Trump ayaa kusoo beegmaya saacado uun kaddib markii uu soo baxay in la qabtay nin reer New York ah oo isagoo ku doodaya inuu “Trump jecel yahay”, Ilhaan dil ugu hanjabey.

Hadalsame Media