José Mourinho oo ka hadlay dalka ugu weriyeyaal fiican dhanka ciyaaraha dalalka Ingiriiska, Portugal, Spain & Talyaaniga

0
Manchester United's Portuguese manager Jose Mourinho gestures towards the public at the end of the UEFA Champions League group H football match Juventus vs Manchester United at the Allianz stadium in Turin on November 7, 2018. (Photo by Isabella BONOTTO / AFP) (Photo credit should read ISABELLA BONOTTO/AFP/Getty Images)

(Lisbon) 07 Abriil 2019 – Warar badan oo isa soo taraya ayaa tibaaxaya in Jose Mourinho uu middood ku biirayo Inter oo uu seddexleey la qaaday 2010 ama Roma, balse Special One ayaa haatan iska soo hormariyey amaan uu u jeediyey werieyaasha Talyaaniga ee ciyaaraha ka faallooda.

Mou ayay warfaafinta Talyaanigu qoraysaa inuu isu bandhigay Inter balse maamulka kooxdaasi ayaa door bidaya Antonio Conte, Telefoot oo kasoo baxa Faransiiska ayaa isna dhigaya in Roma ay sidoo kale xiisaynayso.

Yeelkeede, Mourinho ayaa bixiyey qish muujinaya inuu u xirxiran yahay xeebaha Talyaaniga oo uu kusoo laabanayo Serie A, mar uu qaadanayey abaalmarin ay siiyeen Ururka Weriyeyaasha Isboortiga Portugal.

“Weriyeyaasha ciyaareed, kuwa wax badan ka yaqaanna ciyaaraha kubadda cagta, waa Talyaaniga. Waayo waxay xiiseeyaan kubadda, iyagoo isku daya inay fahmaan oo dhuuxaan wax kasta oo ku saabsan ciyaaraha.” ayuu yiri Mou.

“Shaki la’aan waa dad aad u diyaarsan oo weliba leh luuqad hodon ah marka ay ciyaaraha falanqaynayaan. Saxaafadda Portuguese-ku aad bay u wanaagsan tahay, balse farqi wayn oo cad baa jira. Saxaafadda Britain tebiyeyaasha iyo weriyeyaashu waxay wax kasta ku saleeyaan nacaybkooda iyo jacaylkooda.” ayuu raaciyay Mou.

“Waxaa jira tebiyeyaal waawayn oo isu arka khubaro waawayn, balse wuxuu maasgaruhu ka dhacayaa marka ay dhalada ka tagaaan oo ay kombiyuutarka hor fariistaan.” ayuu ku dooday.

“Saxaafadda Spanish-ku aad bay u kubad jeceshahay. Waxay ka hadlaan 24 saacadood maalintii, balse waxaa badiyaa saamayn ku yeesha kooxaha ay jecel yihiin.” ayuu kusoo jaray.

Hadalsame Media