CIBRO CAD: Wax ka baro khidaddii uu Paul Kagama dalkiisa ku badbaadiyay & sida uu u dhisay ciidamada dalkiisa

0

(Hadalsame) 07 Abriil 2019 – Madaxwaynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa isaga oo nin wariye ah uga waramaya sida dalkiisa uu uga soo saaray Alle ka sakow dagaalkii sokeeye iyo kala qaybsanaantii ka dhex jirtey ayaa waxaa uu yiri sidan:

Go’aankii iigu dhibka badnaa ee aan qaato wuxuu ahaa markii qabiilkayga tuutsigu soo galleen Magaalada Kigali ee Caasimada ah iyagoo doonaya in ay ka Aargutaan Qowmiyada Hutuuga oo dad ku dhaw Hal Milyan oo qof ka dishay Qowmiyada aan kasoo jeedo ee Tuutsiga.

Xaqiiqdii waxaan qaatay go’aan aad dhib badnaa oo haddii aan qaadan lahayn maanta Rwanda aanay halkan joogteen, inaan qanciyo qabiilkayga oo Caro iyo ciil gaamuray qaba way adkayd inaan raalli ka noqdo in ay Aargutaana way adkayd, wuxuu yiri waxaan ku dhahay haddii aad Aargudataan oo intii la idiinka dilay dishaan guul gaari maysaan oo idiina beri baa la idiin laynayaa hadii aad samirtaana Rwanda waxay noqon dal dowlad leh oo dadkiisu is cafiyey taariikh bayna idiin noqon ee talladayda maqlo oo hubka dhiga oo dib u heshiisiin aynu dadkeena ugu yeerno mahayn in Jabhad 10-sanno soo dagaalamaysay oo awood qabiil iyo mid dowlad loo sheegtay oo maatidoodii si saf ah loo xasuuqay ay si Sahal go’aankaas iila qaataan laakiin waxay ku qanceen inaan cidna dagaal guul ka gaari karin ayuu yiri.

Dhabtii waxay ahayd daqiiqado iyo saacado qaraar badan oo kala go’aaminaysay in Rwanda ku sii socoto dhabihii daadinta dhiiga iyo gumaadka Shicibka ama is cafin iyo tanaaul waana go’aan sabab u noqday in maanta dadka reer Rwanda is cafiyaan oo yeeshaan qaran aduunka sumcad ku leh.

Madaxweyne Paul Kagame isagoo sii wata hadalkiisa mar uu ka hadlayey jedwalkiisa nolosha iyo xilligaa adkaa ee uu uga soo shaqeeyay dalkiisa wuxuu yiri labo saac wax baan akhrin jiray sida Buugta ay qoreen Hogaamiyaashii Caalamka ee guulaystay iyo macluumaadka aduunka ka jira, labo saac qoyskayga la qaadan jiray afar saac waan seexan jiray 16 saacna dalkayga hooyo ayaan u shaqayn jiray waqtigaygana kuma lumin jirin inaan madax shisheeye la kulmo iyo inaan safaro badan dibada u aado oo ku dhameeyo, waqtiga ugu badan waxaan geli jiray sidii aan dalkaayga uga soo saari lahaa colaadii sokeeye iyo kala qaybsanaantii dadka reer Rwanda.
Arrintan waxa ay ina tusaysaa in hogaamiyaha aragtida dheer leh halka uu u socdo uu yaqaan.

Hogaamiye Paul Kagame Ciidanka Rwanda sida uu ku dhisay isaga oo ka waramaya wuxuu yiri sidan:

Waxaa igu adkaatay sidii aan u dhisi lahaa ciidan qaran oo dalka oo dhan ka dhexeeya talliyihii aan magacaabo qabiilkiisa iyo jabhadihii dalka ka jiray buu ka soo buuxiyaa ciidanka dabeedna waxaan go’aan ku gaaray inaan anigu gacantayda ku qoro ciidanka oo aan qabto shaqadii talliyaasha si aan u hello ciidan qaran oo Rwanda metella waan daryeelay waxaana tusay wadaniyada iyo in ay Rwanda oo qaran ah ciidan ku noqon karaan falsafiyadaas bayna ku dhismeen ciidanka reer Rwanda ee maanta ka mid kuwa Afrika ugu sumcada badan.

Mar kuu hadlayey Madaxweyne Kagame sida reer Rwanda ay u heshiiyeen wuxuu yiri sannado badan oo aan Qowmiyado u kala qaybsanayn wadamo deris ah iyo kuwo shisheeye na kala taageeri jireen ayaa waxaanu oggaanay in aanay na hesheesiin karin ilaa aan annagu heshiino oo ogaano inaan annagoo Rwanda wada leh aan noqon karno qaran la mid ah kuwa na heshiisiinayey dadka iyagaa is cafiyey oo gartay nabada iyo dowladnimada sharafteeda.

Dalka Rwanda oo maanta ka mid ah wadamada khaarada Afrika ugu horumarsan oo caasimada wadankaas ee Kigali ay tahay tan Afrika ugu quruxda iyo nadaafada badan dhaqaalaha wadankaasna sannad kasta uu kordho 8% sidoo kalena ka mid ah wadamada Afrika ugu amaanka iyo xasiloonida badan billicda iyo barwaaqada badan wuxuu heerkaas ku soo gaaray Alle ka sakow wuxuu hellay hogaan aragtidaas leh iyo shacab gartay is cafinta iyo wada noolaashu qiimaha uu leeyahay waxayna u dhaxashay nabada iyo barwaada ay maanta reer Rwanda ku naalloonayaan.

Waxaan uga socdaa Soomaaliyey ma garanwaynay inta ay reer Rwanda garteen weliba aan u midaysnayn sidaan u midaysanahay ee Diinta, Qowmiyada, Dhaqanka iyo Afka.

Rwanda labo Gu’ ama laba sannadood baynu xorriyada kaga horeynay Sedex Gu ama sedex sannadood’ baynu burburka kaga horreynay balse hogaamiye karti iyo aragti leh bay helleen iyo Shicib is cafiyey taasna waxa ay solansiisay in ay innakoo burburka qarankeena ku foogan iyaguna dhismaha qarankooda ku foogaanaadaan.

Hogaamiye aragtidaas leh Soomaaliya ma helli kartaa oo aan waqtigiisa safar diyaarad la sii saarnaado iyo in shisheeyaha loo dhego nuglaado ku dhameeya waqtigiisa.

Waxaa Diyaariyay: Xamdaan Xiddig

Hadalsame Media