LA YAAB! Dayuurad dagaal oo iyadu is TOOGATEY!

0

(Amsterdam) 07 Abriil 2019 – Laba dayuuradood oo ah nooca Maraykan sameega ah ee F-16 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Holland ayuu midkood is toogtey, xilli ay samaynayeen layli millateri, sida ay werinayaan saxaafadda maxalliga ihi.

Ciidamada Cirka ayaa sheegay in ay weli garan la’yihiin halka ay cilladdu ka timid. Waxaa se loo badinayaa inuu cilladoobey boobayaasha ku xiran midkood, kaasoo jiho khaldan ku dhegey.

Yeelkeede, dayuuraddan “ayaa jug wayni gaartey” kaddib markii uu ku dhacay isla gantaalkeedii – sida uu sheegay NOS todobaadkan.

Shilkan oo la qarinayey maadaama baaritaan ku socdey ayaa dhacay bishii Jannaayo, balse iminka ayay saxaafaddu ka war heshay.

Labadan dayuuradood ayaa ku jirey tababar ay ku tooganayeen bartilmaameedyo dhulka ah, iyagoo ridaya gantaalo yar yar.

Dayuuradda is toogatey ayaa degtey iyadoo aan dhib kale gaarin, waxaana sidoo kale bed qaba duuliyihii wadey, waase arrin weli lala dhakafaarsan yahay.


Hadalsame Media