Sharci anfacaya Soomaalida Minnesota oo kasoo baxay gobolkaasi

0

(Minnesota) 07 Abriil 2019 – Aqalka Baarlamanka Minnesota House ayaa u codeeyay in dadka bilaa sharciga ah loo ogolaado inay qaadan karaan shatiga ama laysinka gawaarida lagu kexeeyo, waxaase harsan Senet-ka gobolka oo ay aqlabiyad ku leeyihiin Xisbiga Jamhuurigu.

Codaynta ayaa kala noqotay 74-52 sida uu sheegay Barasaabka Tim Walz (Dimoqraadi), oo arrintan aad u danaynayay, sida ku qoran Star Tribune.

Yeelkeede, qaar ka tirsan xubnaha Jamhuuriga ee ku jira Aqalka Sare ee Gobolka, ayaa ku doodaya inay arrintani soo dhowaynayso soo galootiga, isla markaana ay keenayso inay si sharci darro ah uga qayb qaataan codaynta doorashooyinka Maraykanka.

“Soo galootigu haddii ay sharci leeyihiin ama sharci la’yihiin waa Minnesotan. Waxay qayb ka yihiin dnta bulshooyinkeenna,” ayuu yiri hoggaamiyaha aqlabiyadda Ryan Winkler (D), oo wargayska la hadlay.

Sharcigan ayaa haddii uu ka gudbo Aqalka Sare wuxuu  Minnesota ka dhigayaa gobolkii 13-aad ee deganayaashiisa u ogolaada inay qaadan laysinka gaari wadista.

Soo galootiga bilaa warqadaha ah ayaana laysinka qaadan karey gobolka Minnesota, kaasoo la bedeley 2003-dii, kaddib weerarradii 9/11 iyadoo amaanka laga walaacey, sida uu qoray Star Tribune.

Gobolkan ayay ku nool yihiin Soomaalida ugu badani, kuwaasoo ay dabcan qaar ka tirsani sharcigan ka faa’iidaysan karaan.

Hadalsame Media