YAA XIL-DHIBAANKA LA XISAABTAMA? Xildhibaannimadu ma aha XAFIILTAN ee waa XIL-KASNIMO!

0

(Hadalsame) 07 Abriil 2019 – Waxaa lagu jiraa casri ay inta Soomaalidu nidaamkii iska dumisey la hollinayo si kasta oo loo yabyabi karo soo noolaynta dowladnimadii dalka Somalia.

Yeelkeede, ma sahlana oo si taa lagu gaaro waxaa lama huraan ah in hal dhinac loo wada riixo baabuurka, balse inuu baabuurkaasi dhaqaaqo waxaa ku hor gudban khilaafyo maalaa yacni ah, is muujin cidlo ah, xafiiltan carruureed iyo cindi xumo.

XIL-KASNIMO AYAA KA HORREEYSA XIL-DHIBAANNIMO

In badan waxay doodaha noocaas ah ee anna waykan kasoo yeeraan dhanka Baarlamanka. Haa, waa sax inuu Baarlamanku xaq u leeyahay inuu la xisaabtamo cid kasta oo ay fari ku mudan tahay, si aan xeerka loo jebin ama aan loo xeeladaysan sharciga.

Ha yeeshee, su’aashu waxay tahay; Yaa Baarlamanka laftiisa la xisaabtamaya marka uu isagu ku tunto xeerkii uu ilaalin lahaa? Haddii se uu isagu ku tumanayo sidee ugu samaanaysaa inuu cid kale toosiyo oo la xisaabtamo?

Wixii shalay iyo marar kale ka dhacay qaacada Baarlamanku waxay ahayd qas iyo qalaanqal, mana aha inuu Xildhibaanku foowdo uu dalkani eeday u adeegsado burburinta waxa yar ee la isku aad aadinayo kaddib markii laga cod batay, maadaama uu Baarlamanku cod ku shaqeeyo.

Waxaa intaa dheer, in shacabka oo ka daaley dhaqamada noocan ah ee ka yimaada dhanka Baarlamanka oo awalba iskaga badnaan jirey ”lacag qaado ee hebel rid, ama qaado ee ha ridin” ay khasab tahay in wax laga bedelo, waayo waa hay’adda ugu wayn ee lug jiideeysa soo noqoshada qarannimada dalka, marka laga soo tago nimanka madaxda u ah maamul-goboleedyada.

SOO JEEDIN:

Marka la xulayo Xil-dhibaannada kuwan xiga, haddii ALLE idmo, waa in lasoo xulaa duul dux iyo iimaan leh oo Alle ka baqaya, dadka iyo dalkana ay laxa jeclo ka heeso.

Waa in la dib loo eegaa diiwaanka qofka, oo uu noqdaa qof qiyam, mabda’ iyo anshax leh, waayo umaddani uma baahan oo waa ka daashey qof damanaanteeda ka faa’iidaysta oo isku gooya kaddibna meel cidlo ah uga taga iyagoo caalwaysan.

Si kale haddii loo yiraahdo axad aragti fog leh oo wax xeerin kara, xitaa haddii uusan ku qanacsanayn sida ay wax u socdaanna afcaasha iyo oraahda qaar iskala yaaba oo aan ahayn ma xishoode fool adag oo aan Alle ka cabsi iyo ciso toona lahayn.

Tan kale, laba hay’adoodba la xisaabtankoodu waa inuu heerka ugu sarreeya taagnaadaa, waa ciidamada iyo hay’aadka sharci dejinta, waayo haddii ay iyagu khaldamaan wax badan oo kale ayaa la khaldamaya.

Sidaa darteed, waa in la adkeeyaa hab-raaca iyo xeer hoosaadka Baarlamanka oo qofkii jebiya lagu qaadaa, qoladii shalay ku doodaysay ”waa inay saxaafaddu shirka soo istaagtaa” oo aan dood dastuuri ah ahayn, maalin dhowaydna waxay lahaayeen ”waa in hebel yimaadaa, si aann ula xisaabtanno!” jeer uu ajende kale miiska saarnaa, marka noqon mayso inuu qofku dacayeeyo Baarlamanka isagoo aan haysanin cod aqlabi ah.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media