DAAWO: Mandzukic oo ganaax dheer ku mutaysan kara fal laga yaq-yaqsoodo oo uu xalay sameeyay!

0

(Torino) 07 Abriil 2019 – Mario Mandzukic ayaa halis ugu jira in lagu qaado marqaati muuqaal ah kaddib markii la arkay isagoo haraatinaya kabtan Milan ee Alessio Romagnoli intii ay socotey ciyaartii Juventus-Milan oo lafteedu uu garsoorku khaladaad badan galay.

Shilkan ayay garsoorayaashu iska indha tireen, kuwaasoo ay ku jiraan kuwa VAR, ciyaartaas oo ay markii dambe Juve 2-1 ku badisay.

Bandhigga Garsoore Michael Fabbri ayaa isna aad loo dhaleeceeyay, gaar ahaan dhamaanba wargaysyada ciyaaraha ka faallooda ee Talyaaniga iyo caalamka, gaar ahaan markii uu rigoore cad uga dhaartay Milan, tiiyoo uu xitaa indhihiisa kusoo arkay Alex Sandro oo kubadda gacmaynaya, waxaa kale oo jirey ilaa 2 shil oo kale oo rigoore noqon karey iyo rooso.

Yeelkeede, shil kale oo aan ka liidanin waa midka Mandzukic, kaasoo daqiiqado uun kaddib markii uu jaalle qaatay ay kaamiradu qabatay isagoo si cad u laadaya Romagnoli oo sii jeeda.

Waxay ka dhacday gudaha diilinta ganaaxa Juve, ciyaartuna waa socotey, sidaa darteed waxay xitaa noqon kari lahayd rigoore kale oo ay heli lahayd  Rossoneri.

Yeelkeede, maadaama aanay waxba ka qaban garsoorayaashii ciyaartu waxaa loo eegi karaa muuqaalka marqaatiga, taasoo Mandzukic gayaysiin karta in la ganaaxo dhowr kulan.

Shilkan ayaa waxaa arkay qannaaska Milan ee Krzysztof Piatek oo ku qabsaday Mandzukic, oo ah laacib aan anshax ahaan wanaagsanayn, waxaana kala qabtay laacibka reer Poland ee Wojciech Szczesny.


Hadalsame Media