KHALAD WAYN: Bukaan lagu khalday qalliin qof kale loogu tala galay oo dhintay!

0

(Linköping) 07 Abriil 2019 – Cisbitaal ku yaala magaalada Linköping ee dalka Sweden, ayaa qalliin khalad ah ku sameeyey nin aan ahayn ninkii loogu tala galay kaddib markii loo diray macluumadka in qalliin lagu sameeynayo.

Tanina waxaa ay keentay in ninkaasi dhinto kaddib markii naasaha looga sameeyey qalliin.

Isbitaalkan oo macluumadka caafimaad ay is weydaarsadaan mid kale oo ku yaalla agagaarka ayaa keentay in sheybaarka isbitaalka kale u soo gudbiyo shakhsi kale magaciisa iyo baaritaannada caafimaad ee hore loogu sameeyey.

Inkastoo ninkan dhintay uu qabay cudurka Kansarka, haddana waxaa ay maamulka isbitaalku sheegeen in xaaladiisu aanu aheyn mid qalliin u baahnayd, yeelkeede, si khaldan magaciisa loo gudbiyey.

Ann-Sofi Sommer, oo ah madaxa isbitaalka ayaa sheegtay in falkan oo ah mid naadir ah ay ka xun tahay, balse baaritaan xoog leh iyo feejignaan dheeri ah la sameeyn doono, si aanu mar kale khalad noocan ihi u dhicin.

Waxaa Diyaarisay: Ikraam Cali Kaar

Hadalsame Media