Ma markii ugu horreeysey ee Baarlamanka saxaafadda laga saaray baa?!

0

(Muqdisho) 06 Abriil 2019 – Waxaa buuq ku dhamaaday kulan lagu wadey in amaanka looga hadlo oo uu yeelan lahaa Baarlamanka dhexe.

Waxaa kulankaasi qulbey isla xildhibaanno todobaadkii hore dalbaday in kulanka xiga looga hadlo amaanka, iyagoo ku doodaya in loo baahan yahay in ay saxaafaddu goobjoog ahaato, halka ay Guddiga nidaamku soo jeediyeen in uu kulanku noqdo mid ay albaabadu u xiran yihiin.

MA MARKII UGU HORREEYSEY BAA?

Sida uu bartiisa kusoo qoray weriye Cabdicasiis Golf; ”ma ahan maanta kaliya in saxaafadda banaanka looga saaray Baarlamaanka, waxaa jirtay in horay ayaa banaanka looga saaray, iyadoo looga hadlayay kulamo amniga ku saabsan.

”Waxaa kulamadaas ka mid ahaa kuwo dhacay sanadkii 2016 iyo 2014, xilligaasoo ay dalka Ra’iisul Wasaare ka ahaayeen Cumar C/rashiid iyo C/Weli Sheekh Axmed.” ayuu raaciyey.

”Kulankii ugu dambeeyay ee Warbaahinta dibadda looga saaro, iyadoo Amaanka looga hadlayay wuxuu dhacay bishii Maarso sanadkii 2016-kii, xilligaasoo Baarlamaanka looga yeeray Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Wasiirkii hore Amniga C/risaaq Cumar iyo Taliyihii hore NISA C/raxmaan Tuuryare.”

‘Waxaa kaloo jirtay, in xilligii uu Wasiirka Amniga ahaa C/kariin Xuseen Guuleed sidaan oo kale saxaafada banaanka looga saaray.” ayuu soo qoray Golf Yare.

Waxaa arrintaa ka marqaati kacay Cabdi Jayte oo xilli ahaa weriyaha SNTV ugasoo warrami jirey Baarlamanka dhexe oo haatan ka mid ah maamulka Warbaahinta Dowladda.

Shacabka ayaa aad uga xumaaday in kulan rasmi ah oo uu Baarlamanku yeelan lahaa loo baajiyo arrin aan asaasi u ahayn shaqada Baarlamanka, weliba marka la eego gaar ahaan, xasaasiyadda ajendaha miiska saarnaa.

Hadalsame Media