DAAWO: ”Wuu dhaawacmay welina OOYINTIISII ayaa qalbigayga ka dhex yeeraysa!” (Dhacdo murugo leh)

0

(Muqdisho) 06 Abriil 2019 – Wuxuu ahaa eey yar oo ka lafa-lafaysaney agagaarka Hotel Salaama oo u dhow Isgoyska Baar Ubax ee Degmada Halwadaag, Muqdisho.

Waxaa baraha bulshada wareegaalaysanaya muuqaal laga duubey eeyga oo dhaawac ah, kaddib markii la qarxiyey miino jidka lagu aasay abbaarihii 12:00 xilliga maxalliga ah ee Muqdisho.

Si aannu wax uga ogaanno waxaa noo suura gashay inaan la kulanno qof ka mid ahaa dadkii goobjoogga ahaa oo warkiisa ku bilaabay sidatan:

OOYINTIISII AYAA WELI QALBIGAYGA KA DHAWAAQAYSA!!

”Xaaladdan goobjoog ayaan u ahaa. Xayawaankana isku dhinac ayan u orodnay isagoo aad u ooynaya balse xaaladdii meesha ka jirtay oo xabad iyo kala orod ahayd darteed, ma jirin wax aan samayn karay oo aan ahayn inaan nafteeyda la baxsado.” ayuu yiri Ibraahin.

”Eeygu wuxuu ka mid ahaa kuwo meesha ka lafa-lafaysta, balse ciidamadii meesha joogey iyo kuwii yimid ayaa xabbado iska sayrayey, mana jirin cid xitaa is fiirisay.” ayuu raaciyay.

”Waan ka naxay runtii, balse maxaan u qaban karaa. Umad dadkii sidaa isu laynayo miyay cidi eey xusuusanaysaa?” ayuu ku calaacay Ibraahin.

Arrintan ayaa muujinaysa sida uu u sii dhimanayo damiirkii wanaagsanaa, iyadoo uu jiro Xadiith Nabawi ah oo sheegaya in uu jiro nin janno ku galabsaday eey ooman oo uu ceel ka waraabiyay, qiyaas midkii eeygaa baahan qarxiyay iyo midkii ku daawaday silacaas iyo xanuunkaas?

Waa muhim in la dhiso dadnimada, dareenka, damqashada, damiirka, insaanniyadda, anshaxa, xilkasnimada iyo akhlaaqda umadda, haddii la doonayo in la dhiso umad meel gaari karta.

Hadalsame Media