JUVENTUS VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay fiidkii kusoo geli karaan!

0

(Torino) 06 Abriil 2019 – Waxaa caawa dhacaya kulanka Il Classcio Italiano oo fiidkii dhexmaraya Juventus vs AC Milan kaasoo ah kulan xiise gaar ah leh, waloow aanay Milan horyaalka Juve ku haysanin sanadihii dambe, sidii waayadii hore dhici jirtey.

Dhanka Juve: Allegri ayaa ka fikiraya shaxda 3-4-1-2, taasoo ka kooban De Sciglio, Bonucci iyo Rugani. Waxaa nasanaya Chiellini. Khadka dhexe Pjanic ayaa nasanaya, waxaa bedelaya Bentancur. Garabka dhexe Spinazzola ayaa ka cadcad Alex Sandro. Weerarku waa Bernardeschi, Dybala iyo Mandzukic.

Dhanka Milan: Gattuso oo ay diiraddu saaran tahay marka ay timaaddo cadaadiska ay Milan ka wajahayso kaalinta 4-aad, ayaa u weecan kara shaxda 4-4-2. Waxaa garbaha buuxinaya Borini iyo Calhanoglu. Weerarka waxaa markale jaal ku ah Cutrone iyo Piatek. Haddiise uu go’aansado inuu hal weerar dhexe ciyaaro Suso ayaa soo gelaya waxaana shaxda loo rogayaa 4-3-3, taasoo kaydka dhigeeysa Cutrone.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 21 PINSOGLIO, 32 DEL FAVERO, 5 PJANIC, 3 CHIELLINI, 14 MATUIDI, 12 ALEX SANDRO, 6 KHEDIRA, 41 NICOLUSSI, 18 KEAN
  • 90 A. DONNARUMMA, 65 SONCIN, 20 ABATE, 33 CALDARA, 23 STRINIC, 17 ZAPATA, 4 JOSE’ MAURI, 93 LAXALT, 16 BERTOLACCI, 21 BIGLIA, 7 CASTILLEJO, 8 SUSO

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Cuadrado, Barzagli, Douglas Costa, Ronaldo, Caceres
  • G.Donnarumma, Bonaventura, Conti, Paquetà

Hadalsame Media